U qaabilsanihii Daacish ee xawaaladaha oo xukun lagu riday

Image
Jimcaale ayaa la sheegay inuu Heeryo Trading Interprise u isticmaalay aduun lacageed ka badan $400,000 mudadii u dhaxeysay 2019-2020.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada ciidamadda Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxay xukun ku riday horjooge ka tirsana dagaalamayaasha Daacish ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale ayaa lagu waramay in xeerbeegtada ay ku heshay in uu ahaa u qaabilsanaha Daacish Xawilaadda lacagaha.

Sida laga soo xigtey saraakiil, Jimcaale ayaa isaga oo adeegsanaya Heeryo Trading Interprise wuxuu mudadii u dhaxeysay 2019-2020 uu ISIL u maareeyay aduun lacageed ka badan $400,000.

"Lacagtaasi waxa ay u gacan gashay Qaarkeed muwaadiniin u dhashay Uganda iyo Ethiopia oo ku sugan wadanka South Africa," ayuu raaciyey mid kamid ah saraakiishan oo magaciisa uga gaabsadey in aan loo ogoleyn in uu la hadlo warbaahinta.

Hay'adda sirdoonka qaranka ee NISA ayaa la sheegay in xukunaanaha ay gacanta ku dhigtay bishii Maarso sanadkan 2021 "laguna qabtey 19-kun oo dollarka Maraykanka ah".

"Intii uusan ku biirin Daacish 2016, waxa uu ahaa Alshabaab ilaa 2008, sidoo kale waxa dhaawac ka soo Gaaray dagaalladii u dhexeeyay Argagixisada iyo Dowladdii KMG ahayd ee uu hogaanka u hayay Madaxweyne Shariif Sheikh Ahmed," ayuu raaciyey sarkaalka.

Garabka ISIL ee Soomaaliya ayaa ah mid ku howlgala si dhuumaaleysi ah. Inkasta oo koonfurta ay ka jiraan, hadana fadhigooda ee degaanada Puntland gaar ahaan dhulka buuralayda ee gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM