Ugaaska Xasan oo looga yeeray Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Ugaas guud ee Beesha Xawaadle, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif,  ayaa maanta gaarey magaalada Muqdishu xilli uu Ra'iisul wasaare Khyere waddo wadatashiyo ku aadan dhisamaha Xukuumadiisa cusub halkaas ka waday.

Ugaas Xasan ayaa looga yeeray Muqdishu, si uu ula kulmo Madaxda sare ee dalka oo Madaxweyne Farmaajo uu kamid yahay, waxaana arrimaha lagala hadli doono kamid ah inuu taageero Hir-Shabelle.

Wararka ayaa intaas ku daraya inay si gaar ah u kulmii doonaan Xildhibaanada kasoo jeedo gobolka Hiiraan, gaar ahaan kuwa beeshiisa oo kala tashanayo Wasiirrada ay ku yeelan doonaan Golaha Xukuumadda Somalia.

Ra'iisul Wasaare Kheyre ayaa Ugaasyada beelaha Soomaaliyeed waxa uu kulamo kala yeelanayaa Golahiisa Wasiirada cusub, maadaama dalka uu wax ku qeybsanayo Hanaanka qabiika ee (4.5).

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu dhex-dhexaadin kawadaa Ahlu Sunna iyo Galmudug, sidoo kalena waxa uu doonaa inuu soo afjaro Khilaafka Ugaas Khaliif iyo Madaxweynaha maamulka Hir-Shabelle State.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM