UGANDA: Farmaajo oo kulamo adag la qaatey madax Afrikaan ah

Image

KAMPALA, UGANDA | Madaxweynaha xilkiisu dhamaadey Maxamad Cabdulahi Farmajo oo ku sugan dalka Uganda ayaa kuluma la qaadanaya qaar ka tirsan madaxda Afrika ee ka soo qayb gashay caleemo saarka Madaxweynaha Uganda, sidaas waxaa GO u sheegey qof xogogaal u ah kulamadaan.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in Farmaajo kulamo la qaatey Madaxweynaha Uganda, madaxweynaha Ghana iyo Gudoomiyaha guddiga midowga Afrika ee hadda ka shaqeynaya Soomaaliya Moussa Faki Mahamat. 

Ergeyga cusub ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya John Dramani Mahama ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Ghana isagoo horey u ahaan jirey Madaxweynihii hore wadankaas ku yaala Galbeedka Africa.

Kulamadaan ayaa xogta aan ka heleyno waxay xuseysaa in Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni ku eedeeyey Madaxweynaha xilkiisu dhamaadey in hab- dhaqankiisa uusan aheyn mid lagu yaqaaney madaxda Afrikaanka. Taas oo uu ula  jeedo iney ugub tahay in Madaxweyne Afrikaan ah ka dalbado midowga Afrika in dalkiisa dhexdhexaadin laga sameeyo islamarkiina diidmo ka keeno natiijadii ka soo baxdey codsigiisa.

Wararka aan heleyno ayaa intaas ku daraya  in kulanka caawa dhexmarey Gudoomiyaha ururka midowga Afrika ee ku taxaluqa Arimaha Soomaaliya iyo Farmaajo loogu sheegi doono in midowga Africa soo diri doono ergeyga cusub iyadoo laga filayo in dhinacyada siyaasada dalka la shaqeeyaan.

Natiijada kulankaan ka soo baxda ayaa la filayaa in Gudoomiyaha Moussa Faki Mahamat la wadaago xubnaha beesha caalamka ka jooga beeshaha caalamka sida " USA, EU, UK iyo UNSOM."

Qaar ka tirsan Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Somalia u tartamaya ayaa qoraalo ay ku baahiyeen barahooda bulshada ku sheegey in talaabada Farmajo waraaqda diidamada ah ee ergeyga cusub ee Soomaaliya ugu direy midowga Afrika ay tahay inuu hoos u dhigayo doorka Ra'isal Wasaaraha Soomaaliya ku leeyahay wadahadalka loo balansan yahay May 20 keeda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Gacanta ku Dhigay Warshaddii Qaraxyada ISIS

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay ka saaraan argagixisada deegaanadan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 11:38AM