Uganda oo ku dhawaaqday inay Ciidamadeeda Soomaaliya kala baxayso 2027
KAMPALA, Uganda — Uganda ayaa sheegtay inay si buuxda ciidamadeeda uga soo saari doonto Soomaaliya 1-da Agoosto 2027, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay ciidamada Uganda qayb muhiim ah ka ahaayeen hawlgallada amniga ee Soomaaliya.
Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF), Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in dhammaan ciidamada Uganda ay ka bixi doonaan Soomaaliya marka la gaaro 1-da Agoosto 2027.
“Waxaan si buuxda uga bixi doonnaa Soomaaliya 1-da Agoosto 2027. Wixii ka dambeeya maalintaas, Soomaaliya masii joogi doonaan ciidamo UPDF ah,” ayuu Kainerugaba ku qoray bartiisa X.
Si kastaba, weli ma cadda in taariikhda uu ku dhawaaqay Kainerugaba ay tahay go’aan rasmi ah oo ay ansixisay dowladda Uganda iyo in kale.
Uganda ayaa ka mid ahayd dalalka ugu waaweyn ee ciidamada u dira Soomaaliya tan iyo 2007, iyadoo ciidamadeedu qayb ka ahaayeen hawlgallada Midowga Afrika ee lagu taageerayay dowladda Soomaaliya, laguna dagaallamayay kooxda Al-Shabaab.
Sida ay warbaahinta gobolka sheegtay, Uganda waxay hadda Soomaaliya ku leedahay kumannaan askari, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), halka ciidamo kale ay ku joogaan Soomaaliya heshiis laba geesood ah oo ay la gashay dowladda federaalka.
Ku dhawaaqista cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli mustaqbalka AUSSOM uu wajahayo caqabado dhaqaale iyo kuwo dhanka saadka ah, iyadoo dalalka ciidamada ku tabaruca ay raadinayaan ilo dhaqaale oo lagu sii wado hawlgalka.
Kainerugaba ayaa horey u sheegay in Uganda ay doonayso inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya kaddib ku dhowaad 19 sano oo ay dalka ka howlgaleen. Bishii Febraayo, wuxuu sidoo kale ka digay in Uganda ay ciidamadeeda kala bixi karto Soomaaliya haddii aan xal laga gaarin dhibaatooyinka dhaqaale ee saameynaya howlgalka Midowga Afrika.
Uganda ayaa muddo dheer door weyn ku lahayd dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyadoo ciidamadeedu ka hawlgaleen goobo muhiim ah oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Bixitaanka Uganda haddii uu dhaqan galo wuxuu noqon karaa isbeddel weyn oo ku yimaada qaab-dhismeedka amniga Soomaaliya, maadaama Kampala ay muddo ku dhow labaatan sano ka mid ahayd tiirarka ugu muhiimsan ee ciidamada Midowga Afrika ee dalka ka hawlgala.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in Soomaaliya ay awood u leedahay inay si tartiib ah ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo ciidamada Soomaaliyeed ay qaadanayaan kaalintii ay hore u hayeen ciidamada shisheeye.
Bixitaanka ciidamada Uganda ayaa sidoo kale dhalin kara su’aalo ku saabsan sida Soomaaliya iyo AUSSOM ay u maareyn doonaan kala-guurka, gaar ahaan iyadoo Al-Shabaab ay weli awood ciidan ku leedahay qaybo ka mid ah dalka.
Si kastaba, dowladda Uganda weli waxay si guud u muujisay inay danaynayso xasilloonida gobolka iyo taageerada Soomaaliya. Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa dhawaan mar kale sheegay in Uganda aysan ka tanaasuli doonin taageerada ay siiso nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Haddii qorshaha 1-da Agoosto 2027 la hirgeliyo, wuxuu soo afjari karaa joogitaanka militari ee Uganda ee Soomaaliya oo soo jiray tan iyo 2007, iyadoo mas’uuliyadda amniga dalka ay sii kordhayso inay si buuxda ugu wareegto ciidamada Soomaaliyeed.
GAROWE ONLINE