Uganda oo taliye cusub u magacowday ciidamadooda Somalia

Image

17 September, 2015(GO)-Dowladda Uganda ayaa Col. Peter Emola u soo magacowday taliyaha guud ciidamada Ugand ee ku sugan Somalia, kuwaasi oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika.

Emola ayaa hoggaamin doona ciidamada Uganda ee Somalia, kaasoo bedeli doona Col. Bosco Mutambi oo ahaa taliyaha ciidamada Uganda qaybta 16-aad ee lagu weeraray 01-dii Sep, 2015 deegaanka Jannaale.

Col. Peter Emola ayaa horay uga shaqeyay Somalia isagoo hor-kacayay Qaybta 9-aad ciidamada Uganda intii u dhaxeysay 2012-ki illaa 2013-kii.

Badalka taliyihii hore ayaa la aaminsanyahay inuu salka ku hayo weerarka Jannaale, waxaana Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni sheegay in la maxkamadayn doono taliyaashii halka weerarku ka dhacay, maadama aysan gudan shaqadii loo igmaday.

Dalka Uganda yaa Somalia waxaa ka jooga ciidamada ugu badan ee qaybta ka ah kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, waxaan dhawaan weerar ka dhacay deegaanka Jannaale lagu dillay 50 askari, halka qaar kalana ururka Al-shabaab sheegeen inay u haystaan Maxaabiis.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM