Uhuru Kenyatta oo booqdey Somalia, dowlada Federaalka oo ka carootey

Image

DHOOBLEY, Somalia- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuri Kenyatta ayaa maalinimadii Sabtida March 18, 2017 gaarey wadanka Somalia isagoo halkaas kula kulmay ciidamada Kenya (KDF) kuwasoo kamid ah howlgalka nabad-sugida midowga Africa.

Uhuru Kenyatta oo booqashada ku tagey saldhiga cidmada Kenya ee ku yaal Dhoobley ayaa u mahad celiyey dadaalka Askartaan ugu jiraan difaacida dalkooda.

" Joogitaankiina Somalia waxa ku badbaadiseen naf badan oo shacabka Kenya ah iyadoo aad dadkiina ka xoreyseen baqdinta Al Shabaab" ayuu yiri madaxweyne Kenyatta Isagoo ku labisan dharka ciidamada KDF.

Waxaa uu intaas ku darey " Waxaan dib u soo nooleysiiney dalxiiskii dalka lagu imaan jirey taas mahadeeda aad idinku leedihiin." 

Saldhiga ciidamada dalka Kenya ee ku yaal Dhoobley ayaa ah taliska guud ee laga maamulo howlgalka Amisom ee KDF.

Madaxweynaha dalka Kenya oo uu la socday taliyaha ciidamada dalkaas ayaa la qadeeyey askarta KDF ee ku sugan saldhigaas isagoo dhageystey hadaladoda.

Dhinaca kale wararka laga helayo Ilo diblomaasiyeed ee ku sugan dalka Kenya ayaa sheegaya in dowlada Federaalka Somalia ka carootey booqashada Madaxweynaha dalka Kenya ku tagey Dhoobley.

Wararka ayaa sheegaya in carada dowlada Somalia ee booqashadaan salka ku hayso madaama madaxweyne Uhuru Kenyata uusan la socodsiin Inuu galayo gudaha Somalia madaxda Federaalka iyo diplomaasiyiinta kale ee ku sugan Nairobi.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM