Uhuru oo Rooble hordhigay dalab ku saabsan kiiska badda

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku kulmay madaxtooyada Mombasa. Labada mas'uul waxay yeesheen wadaxaajoodyo laba geesood ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah.

Wadaxaajoodyada waxaa la sheegay in diirada lagu saarey danaha ay Soomaaliya iyo Kenya kawa daagaan oo ay xudun u tahay soo celinta cilaaqaadka diblumaasi, ganacsiga iyo isu-socodka labada waddan.

Labada hoggaamiye ayaa lagu waramay in ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

Si labada dal ay horumar u gaaraan, Kenyatta ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado dhinacyo badan sida amniga, ganacsiga iyo maalgashiga iyadoo si buuxda loo hirgelinayo Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga 2015 (JCC).

“Barwaaqada dadkeennu waa furaha. Aan u furno bog cusub dadkeenna annagoo dhiirri-gelinayna dadka iyo is-dhexgalka," ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta, sida lagu sheegay bayaanka.

Dalabka Kenyatta ee dacwadda badda

Soo celinta xiriirka ganacsiga ayaa la macno ah in Jaadka Kenya uu dib ugu soo laabanayo suuqa Soomaaliya kaasoo maamulka Farmaajo uu u xayiray si uu suuq u helo Jaadka ka yimaada waddanka Itoobiya.

Kenyatta oo soo dhoweeyay soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya kuna baaqay in qaab wadahadal lagu xalliyo muranka soohdinta badda ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xasilloonida, horumarinta qaranka iyo gobolka isagoo yiri "koboca dhaqaaluhu wuxuu ku suurtoobi karaa oo kaliya jawi nabdoon".

"Nabad la’aan, ma jiri karto barwaaqo. Aynu xoogga saarno u adeegidda dadkeenna. Tani waxay suurtogal noqon kartaa oo kaliya haddii aan si wadajir ah uga wada shaqeyno sidii aan u cirib tiri lahayn argagixisada. Waxaa la joogaa waqtigii la hagaajin lahaa ganacsiga oo la xallin lahaa arrimaha socdaalka si loo oggolaado is-dhexgalka dadka iyo dadka," ayuu tibaaxay.

Dacwadda badda ayaa hataan taala maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ. Muqdisho waxay horey u diidey in ay wadahadal la gasho galkan. Nairobi oo la saadaalinayo in ay guuldaro sugeyso waxay mar walba codsaneysay wadahadalo.

"Qoomamadda" uu muujiyey Rooble

Dhiniciisa, Rooble ayaa "ka qoomameeyay xiriirka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya oo dhawaanahan sii xumaanayay isagoo yiri "waa qalad in labada ummad ay ka tanaasulaan aragtida midnimada ee ay qabaan aabayaashii aasaasay labada ummadood".

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya ayaa qiray xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, isagoo carabka ku dhuftey in saaxiibtinimadu ay ku dhisan tahay “deris wanaag, iskaashi, xasillooni iyo is -ixtiraam”.

"Maanta waa bilowga xiriir xooggan oo qoto dheer oo walaaltinnimo. Soomaaliya waxay ku dadaali doontaa sidii loo xoojin lahaa Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga oo dan u ah labada shacab, midnimadooda iyo xasiloonidooda iyo wixii ka baxsan gobolka iyo qaaradda," ayuu xusay.

Rooble oo aan ka jawaabin codsiga dacwada bada ayaa hadalkiisa  kusoo gabagabeeyay: "Waxaan raadin doonnaa fursado horseeda xasillooni waarta iyo wada -noolaansho nabdoon oo ku dhisan is -ixtiraam iyo iskaashi dhab ah annaga oo ka fogaaneyna wax kasta oo dhaawici kara xiriirkaas".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Siilaanyo: Madaxwaynihii hore ee Somaliland oo geeriyooday

Madax kala duwan ayaa ka tacsiyeysay geerida oo illaa haatan aanan fahfaahin laga bixin sababta keentay.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 08:23PM

Soomaaliya: Wasiir hore oo loo xukumay afduub iyo burcad-badeednimo

Wariye Michael Scott Moore ayaa wuxuu haystaa dhalashada dalalka Mareykanka iyo Jarmalka.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 07:56AM