UK oo baaq cusub u dirtay hogaamiyeyaasha Soomaalida

Image

MUQDISHOO, Soomaaliya – Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhaweysay shirarka madaxda maamulada Soomaaliya uga socda caasimadda Muqdisho kuwaasoo ay xal kama dambeys ah ugu goobayaan is-mari-waaga doorashooyinka qaranka.

Madaxwayneyaasha maamulada ayaa tan iyo todobaadkii hore waxay ku shirsan yihiin Muqdisho, iyagoo si horudhac ah isugu afgartay shir loo balansan yahay kaasoo diirada lagu saarayo ajandaha wadahadaladda loo-dhan-yahay.

Kate Foster, ergayga boqortooyadda Britain u fadhisa magaala madaxda Muqdisho, ayaa Isniinta maanta ah waxay ku boorisay hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay sii wadaan wadaxaajoodyadda si loo helo xal ku yimaada si wada-ogol ah.

Qoraal ay ku daabacdey ciwaankeeda gaarka ah ee Twitter-ka ayay ku taageertay in shirka soo socda uu noqdo mid ka qeybgalkiisu loo-dhan-yahay.

"Waxaan soo dhaweynayaa dedaaladda ay waddaan hogaamiyeyaasha dowladaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya si ay u helaan xal wadjir ah loona qabto doorashooyinka. Waxaan ku dhiiragelineynaa dhamaan dhinacyada in ay goobaan horusocodka shirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo geedi-socod doorashooyin oo ku saleysan habkii 17-kii September," ayay ka dhawaajisay.

Dhawaqa Kate ayaa kusoo hagaagay saacado kadib markii ay kala qeybgashay wakiiladda Beesha Caalamka shir ay Hotel Airport ee Muqdisho kula yeesheen madaxwayneyaasha shanta maamul goboleed ee haatan ka jira waddanka Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa xusul-duub ugu jirta in ka miradhaliso casuumaadeeda madaxwayneyaasha Puntland iyo Jubaland isla markaana ay miiska wadahadalka isugu keenay madaxda Soomaalida si xaalka cakiran ee coddeynta loosoo afjaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM