UK oo danjire cusub u soo magacaabatay Soomaaliya
LONDON, UK – Boqortooyadda Ingiriiska ayaa Isniinta maanta ah waxay ku dhawaaqdey danjire cusub oo ay u soo magacaabatay safaaradda ay ku leedahay magaala madaxda waddanka Soomaaliya ee Muqdisho.
Kate Foster oo ah haweenay ayaa bedeleysa Ben Fender kaasoo la sheegay in loo magacaabay xil kale oo diblumaasiyadeed balse illaa haatan aanan si rasmi ah loogu soo bandhigin dadweynaha iyo saxaafada.
Sidda lagu faafiyey website-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Birtain, Ms Foster ayaa xilka la wareegeysa bisha Febraayo, sanadkan 2021-ka.
Bishii Janaayo 30-keeda sanadkii 2019-kii ayaa Ben Fender loosoo magacaabay safiirka UK ee Soomaaliya; Bishii September 12-keeda isla sanadkaas, waxaa warqadaha aqoonsiga ka gudoomay madaxweynaha.
Fender wuxuu waqtigaas bedelay David Concar oo xilka hayey tan iyo November, 2016-kii. Mr Concar haatan waa wakiilka Ingiriiska u jooga Tanzania waxaana xilkaas loo magacaabay bishii July 10-keeda 2020.
Waa tuma Kate Foster?
Cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Ingiriiska ayaa la rumeysan yahay in uu bilowday 1960-kii. Thomas Bromley ayaa ahaa safiirkii ugu horeeyay wuxuuna xilkaas hayey hal sano illaa 1961-dii.
Dabcan, Britain waxay ku jirtaa wadamadii gumeystay Soomaaliya. Si gaar ah waxay gacanta ugu hayeen Waqooyi Galbeed oo haatan loo yaqaano Somaliland isla markaana ah maamul gooni-u-goosad ah.
Foster ayaa noqoneysa ergaygii 16aad ee Ingiriiska ku metala Soomaaliya iyo diblumaasigii labaad ee haweenay oo madax ka noqotay safaaradda UK ee Muqdisho todobadii sano ee aynu kasoo gudubnay.
Harriet Mathews oo xilka hayeysay mudadii u dhaxeysay 2015 illaa 2016 ayaa ahayd haweenaydii ugu dambeysay ee UK ku metashay Soomaaliya.
Kate Foster ayaa tan iyo 2018-kii waxay soo qabatay xilalka; agaasime ku xigeenka arrimaha dibadda ee Xafiiska Golaha Wasiirada, Xoghaynta Amniga Qaranka iyo Akadeemiyadda Difaaca oo hogaankeeda ku jirtey.
GAROWE ONLINE