Sirdoonka UK oo "marin-habaabiyay" xariga dilaa lagu tuhmay Al-Shabaab
LONDON, UK – Saddex sarkaal sirdoon ayaa u sheegay Declassified UK in Hay'adda Sirdoonka Britain ee loo yaqaano MI6 ay dhabaha u xaartey isla markaana abaabushay in gudaha Kenya lagu xiro Michael Adebolajo. Qiraalkan wuxuu burinayaa laba warbixin oo horey uga soo baxay MI6.
Sidda laga soo xigtay Declassified UK, magaalada jaziirada Paté hoostagta ee Kizingitini taasoo dhacda Waqooyi-Bari Kenya ayaa ku naalooneysay nabad sababo ku aadan taariikhda ku hareereysan iyo heesta caanka noqotay ee dadka ku nool ku hadaaqaan ee ah; "Qofkii tega Paté sooma laabto".
Bishii November, 2010, jaziirada ayaa si lama filaan ah u soo jiidatay indhaha caalamka markii ay booliska Kenya ay halkaas ku xireen Michael Adebolajo iyo shan ruux kale oo wehliyey.
"Waxaa la sheegay in ay qorsheynayeen in ay u socdaalaan Soomaaliya si ay ugu biiraan maleyshiyad Al-Shabaab ee mas'uulka ka ah tirro weeraro argagixiso oo ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya," ayay warisay Declassified UK.
Wuxuu ahaa marxalada koowaad ee safar kaasoo ku dhamaan doona in waddooyinka London lagu dilo askari British ah iyo baaritaan ay kiiskan kula tacaalaan Sirdoonka Gudaha UK [MI5] iyo kan dibadda ee MI6.
Dowladda Ingiriiska ayaa horey u beenisay in ay ku lug-lahayd xariga iyo su'aallo waydiinta Adebolajo kaasoo sheegtay in lagu xadgudbay. Sikastaba, xafiiska UK ee Nairobi wuxuu farageliyey kiiska wuxuuna Adebolajo ku celiyey Ingiriiska si ay uga badbaadiyeen dacwado argagixiso oo Kenya kusoo oogi lahayd.
Markii uu dib ugu laabtey Britain, Adebolajo ayaa sheegtay in MI5 ay tacadiyo ugu geysteen si ay ugu qanciyaan in uu basaaso "xagjiriinta Islaamka".
Waxyar saddex bilood kadib markii uu ku laabtey UK, 22-kii May, 2013-kii, Adebolajo iyo mataankiisa Michael Adebowale ayaa Fusilier Lee Rigby ku beegsaday koonfur-bari London waxayna maalin cad ku dileen fasaas.
Adebolajo iyo Adebowale ayaa kadib waxaa lagu dilay dambiga dilka iyagoo sidda ay u kala horeeyaan loogu kala xukumay xabsi daa'in iyo 45-sano xarig ah.
Declassified UK ayaa intaas ku dartey in Adebolajo uu ku jiray liiska shaqsiyaadka dhaqdhaqaaqooda la socday sirdoonka UK isla markaana baarista ay muujisay in dilka Rigby oo askari ahaa ay ka hortagi kareen ciidamadda amniga.
Warbixin guddiga sirdoonka ee baarlamaanka UK diyaariyey 2014-kii ayaa lagu soo gabagbeeyay "in uu jiray khaladaad ka dhacay howlgalada ammaanka Britain isla markaana aysan ku filneyn in ay si waxtar uga hortagaan weerarka".
Markii dib-u-eegis uu ku sameeyay 2016-kii, Mark Waller, madaxa MI6, wuxuu ku adkeystay in xariga Adebolajo aysan qorsheynin Hay'adda Sirdoonka UK.
Balse baaritaan ay Declassified ka sameysay gudaha Kenya ayaa muujinaya sawir kale, taasoo burineysa labada warbixin ee MI6 soo bandhigtay.
Sidda ku cad warbixinta lagu daabacay majaladda, saraakiil ka tirsan sirdoonka UK, Mareykanka iyo Kanya kuwaasoo si dhow ula socday kiiskan ayaa qiray in MI6 ay door weyn cayaartay wallow ay ka gaabsadeen sharaxaad dheeri ah.
Markii Adebolajo uu Kenya tegay October, 2010, Declassified UK ayaa warisay in saraakiil ka tirsan MI6 ay la kulmeen dhigooda Nairobi isla markaana ay la wadaageen warbixin ku saabsan shaqsiga uu yahay "dilaagaan".
"Kadib saraakiil ka tirsan sirdoonka Kenya ayaa dabagalay Adebolajo iyo kooxdii la socotay oo aadey Jaziirada Paté isla markaana qaban-qaabiyey qabashadooda kahor inta aysan u socdaalin Soomaaliya, sidda la sheegay," ayay warisay Jariiradda.
Qabashadda ayaa timid markii booliska maxaliga ah ay heleen macluumaadyo sirdoon oo khuseeya dhaqdhaqaaqiisa, sidda uu sheegay sarkaal baarista la socday, kaasoo xusay in dhigooda Britain ay kaalin weyn qaateen.
"Adebolajo wuxuu ahaa mid taxadar badan. Wuxuu aaminsanaa in sirdoonka UK iyo Kenya ay basaasi karaan. Talaabooyin ka is-laalin ah oo la xiriira electronic-ka ayuu sameyn jiray. Balse aalaaba wuxuu isku haleyn jiray is-gaarsiinta Kenya marka la joogo goobaha internet-ka," ayuu yiri sarkaal kale.
Kiiska Adebolajo oo aan ku baraarug-saneyn hay'adda GCHQ taasoo mukhaabaraadka UK u fududeysay beegsiga dadka ay doon-dooneyso ayaa gilgilay hay'addaha sirdoonka UK waxaana uu dibadda u soo saarey fashil dhayalsi ah kaasoo aakhiritaankii sababay dhimashada askari boolis British ah.
GAROWE ONLINE