UK oo shaacisay mowqifkeeda khilaafka Soomaaliya iyo Kenya
MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay in ay dhexdhaxaad ka tahay khilaafka u dhaxeeya wadamada deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.
Muranka dalalkaan ayaa salka ku hayaa sohdin badeedka, gaar ahaan goob la sheegay in ay qanni ku tahay shidaal iyo Gaas.
"Britain boos ugama banaan xiisadda labada dal," ayuu yiri Ben Fender, danjiraha UK u fadhiya magaaladda Muqdisho, oo u waramay Goobjoog Tv.
Kiiskaan ayaa horyaalla maxkamada cadaaladda aduunka oo la horgeeyay 2014-kii, xili la filayo in horaanta 2020-ka uu soo baxo xukunka ugu dambeeya.
Ismariwaaga ayaa soo cusboonaaday markii dowlada federaalka ah ay magalaadda London ku qabatay shir looga hadlayo shidaalka Soomaaliya.
Shikaas oo qabsoomay bishii Febraayo ayay Kenya sheegtay in lagu xaraashey xirmooyin shidaal oo ku jira goobta ay labada dowladood isku haystaan.
Isla waqtigaasi, Kenya ayaa u yeertay safiirkeeda Muqdisho, xili ay wadatashi u soo dirtay danjirihii Soomaaliya ee Nairobi, taasoo ay ka dhalatay xiisad diblumaasiyadeed.
Xukuumada Muqdisho ayaa gaashanka ku dhufatay eedaynta ka timid dhigeeda Nairobi, oo dooneysa in qaab hoose oo xaliyo arrinkaan.
"Sida ay sheegeen qaban-qaabiyeyaasha, shirkii London, ma uusan ahayn mid wax lagu xaraashayey, UK-na kama aysan qayb gelin," ayuu Fender raaciyay.
Hadalka wakiilka UK ayaa kusoo aadaya iyada oo dhowaan ay magaala madaxda Kenya ku kulmeen hogaamiyaasha Soomaaliya iyo Kenya.
Maxamed Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa ku heshiiyay in lasoo celiyo xiriirka diblumaasiyadeed, balse ma aysan isla soo qaadin khilaafka badda.
Kulankaasi kadib Soomaaliya ayaa u gudbisay Qaramada Midoobay cabasho ka dhan ah Kenya oo ay ku eedaysay in ay faafineyso "xaqiiqooyin been abuur ah".
Ashtakadaasi ayaa timid markii Kenya ay UN-ka u dirtay qoraal ay ku sheegayso in Soomaaliya ay baalmartay nidaamka caalamiga ee xuduud badeedyada la isku haysto.
Dhinaca kale, Mr Fender ayaa meesha ka saarey in dowladiisu ay raadineyso in ay saameyn ku yeelato magacaabista ergayga cusub ee UN-ka u fadhinaya Muqdisho.
Soomaaliya ayaa bishii Janaayo 2019 eriday wakiilkii Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa, Nicholas Haysom, kaasoo lagu eedeeyay faragelinta madax babaanida dalka.
Go'aankaasi ayaa ka dambeeyay markii Haysom uu qoraal kasoo saarey rabshado ka dhacay magaalada Baydhabo intii ay socotay doorashada maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
Villa Soomaaliya ayaa faragelisay coddeyntaasi oo uu kusoo baxay murashax ay gadaal ka riixaysay, iyada oo ka reebtay doorashada Mukhtaar Roobow oo tartanka qeyb ka ahaa.
Haysom ayaa ka dalbaday dowlada fahfaahin ay ka bixiso wixii ka dhacay caasimad goboleedka Bay, balse falcelinta xukuumada waxay noqotay "dalka lagaama rabo, isaga bax".
António Guterres, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, oo isku dayay in uu Farmaajo ku qanciyo in dowladiisa ka laabato go'aanka ay kusoo eriday Haysom balse uu ku guuldareystay, ayaa sheegay in uu soo magacaabayo wakiil cusub.
Ugu dambeyntii, safiirka Ingiriiska ee Muqdisho ayaa shaaciyay in ka bixintaanka dowladiisa ee Midowga Yurub uusan saameyn doonin taageerada ay siiyaan Soomaaliya.
"Kaliya howlgalada la dagaalanka burcadeed ayuu saameyn doonaa ka bixinka Midowga Yurub, inta kale oo ay kamid tahay taageerada bini'aadanimo iyo mid maaliyadeed way sii socon doonan," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.
GAROWE ONLINE