UN-ka iyo Midowga Afrika oo dalab u diray hogaanka Soomaalida

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa si wadajir ah uga codsaday madaxda Soomaalida in ay wadahadal kusoo afjaraan khilaafka ka taagan doorashooyinka 2020-21.

Antonio Guterrers iyo Muuse Faki ayaa sheegay in ay bogaadinayaa dedaaladda hagar la'aanta ee socda lana doonayo in lagu soo gabagabeeyo is-faham-waaga culus ee ka jira muranka doorashooyinka.

Sidda uu shaaciyey xafiiska Qaramada Midoobay, labadda mas'uul ayaa doonaya in is-afgarad kasta oo laga gaarayo khilaafka ay muhiim tahay in uu ku saleysan yahay heshiiskii 17-kii September dhexmaray dowladda iyo maamuladda.

"Xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay iyo guddoomiyaha Midowga Afrika waxay ugu baaqayaan hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay dib h bilaabaan wadahadaladda kuna shaqeeyaan niyad wada-ogol ah si looga gudbo caqabadaha siyaasadeed ee kama dambeysta ah hortaaganna ah qabsoomidda doorashooyin laga wada-qeybgalo oo ku dhaca sidda ugu dhaqsiyaha badan lana xormeeyo heshiiska 17-kii September," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa lagu soo xiray: "Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa iyo Midowga Afrika waxaa ka go'an in ay Soomaaliya ka taageeraan in ay gaarto barwaaqo iyo nabad waarta".

Hadalka Guterrers iyo Faki ayaa xoojinaya qaylo-dhaan todobaadkii hore kasoo baxdey Beesha Caalamka oo ku saabsan in madaxda Soomaalida ay miiska wadaxaajoodka si degdeg ah ugu dhameeyaan khilaafka jira.

Dhawaqa daneeyeyaasha caalamiga ah ayaa dardargeliyey wadahadaladda heerka sarre oo loo bedelay mid farsamo isla markaana maalintii labaad ka soconaya caasimadda ku meelgaarka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM