UN-ka oo codsaday laba qodob kahor doorashooyinka Soomaaliya 2020-21

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa oo qoraal kasoo saartey doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya ayaa waxay ku baaqday in saaxada siyaasada ay noqoto mid furan iyo la muujin karo aragtiyada.

"Iyadoo Soomaaliya ay isku diyaarineyso inay doorashooyin qabato, Qaramada Midoobay ayaa maanta ifisay baahida loo qabo in la xaqiijiyo in saaxadda siyaasadeed ee dalka ay ahaato mid furan, oo oggolaanaysa in la muujiyo codadka iyo aragtiyada kala duwan taasoo qayb ka ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda. Si taas loo gaaro, waa in la ilaaliyo xorriyadda hadalka, ra'yiga, iyo isu imaatinka/ururka," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Saaxad siyaasadeed oo firfircoon waa midda ogolaanaysa isla markaana dhiirigelinaya ka qaybgalka dhammaan qaybaha bulshada - shaqsiyaadka muwaadiniinta ah, warbaahinta, bulshada rayidka ah, hay'adaha dowliga ah, iyo xisbiyada siyaasadeed, iyo kuwa kaleba. Bulsho dimuqraadi ah waa inay ogolaato in si furan loo muujiyo aragtiyada kala duwan ee arrimaha siyaasadda, iyadoo xor ka ah xayiraad ama dhibaateyn, ”ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

"Soomaaliya waxay horumar ka sameysay dib-u-habeynta maamulka dowladnimada sannadihii la soo dhaafay, haddana waa lama huraan in la sii ballaariyo saaxada siyaasadeed iyadoo dalku u diyaar garoobayo doorashooyin. Waxay si gaar ah muhiim u tahay in la maqlo codadka kooxaha taariikh ahaan la haybsooco,” ayuu raaciyay. “Dimuqraadiyaddu way ka wayn tahay qabashada doorashooyinka; waxay sidoo kale ka dhigan tahay xaqiijinta in saaxadda siyaasadeed ee dalka ay oggolaanayso in dhammaan dadka ay ka qaybgalaan nolosha guud/dowladda.," ayay tibaaxeen.

Warka ayaa lagu daray: "Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay garowsan tahay in xorriyatul qowlka, fikirka, iyo isu imaatinku ay yihiin qiyamta udub dhexaadka u ah dimoqraadiyadda ee lagu xeeriyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dastuurka Ku Meelgaarka Soomaaliya".

"Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay inay la shaqeyso Mas'uuliyiinta/hay’adaha iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed si loo ilaaliyo loona ballaariyo saaxadda siyaasadda ee Soomaaliya," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Hadalka UNSOM oo kamid ah daraf-yada kaalinta ka qaadanaya soo kabashada dowladnimada Soomaaliya ayaa imaanaya xilli dowladda waqtiga kasii dhacayo ay wajaheyso eedeymo ay kamid yihiin caburinta dadka dhaliilsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse: Waxaan fulinaynaa hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab inta lagu jiro Ramadan

Wuxuu sidoo kale xusay in shacabka Soomaaliyeed ay ka warhayaan wararka been abuurka ah iyo male-awaalka ay faafinayaan argagixisadu.

  • Soomaliya

    11-03-2025

  • 02:16PM

Masar oo saldhigyo Militeri ka dhisanaysa Soomaaliya

Lama shaacin halka ay Ciidamada Masar saldhigyo ka dhisan doonaan, balse waxaa Muqdisho soo gaarey dhawaan hub iyo agab militeri.

  • Soomaliya

    11-03-2025

  • 01:58PM