UN-ka oo dhaliilay in Soomaaliya loo doorto Guddiga Xuquuqda Haweenka

Image

BERNE, Switzerland - Soomaaliya ayaa kamid noqotay wadamada loo doortay in ay xubin buuxda ka noqdaan Guddiyada Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta iyo dabagalka Xuquuqda Haweenka.

Balse Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa ayaa si naadir ah u dhaleeceysay talaabadaasi, "sababtoo ah kaalinta haweenka ee dalka oo liidata", sida ku cad website-ka Ururkaasi.

Hillel Neuer, agaasimaha fulinta ee U.N. Watch, hay'add madax banaan oo fadhigeedu yahay Switzerland, ayaa arrintaan ku tilmaamtay mid meel ka dhac ku ah qawaaniinta UN-ka.

Dalalka kale ee xubinta ka ah Guddiyadaasi waxaa kamida; Democratic Republic of the Congo (DRC), Lebanon, Nigeria, Sierra Leone [oo qaarada Afrika ah], Germany iyo New Zealand.

"In xubnaha xuquuqdaha aadanaha ay qayb ka noqdaan dalal sida Soomaaliya oo dumarka firnooci loo gudo, iyo DRC oo loo arko caasimada kufsiga, waxay khiyaano ku tahay xeerarka Qaramada," ayuu Hillel u sheegay Fox News.

Sidda ku cad mareega UN-ka, shaqada Guddiyadaan qabanayaan ayaa ah horumarinta xuquuqda haweenka, diiwaan-gelinta xaqiiqda noloshooda, qaabeynta sinaanta Jinsiga iyo awood-siinta dumarka.

"Soomaaliya, dumarka waa la niyad-jebiyaan, curuurnimo ayaa lagu guursadaan, xayiraado ayaa laga saaraa siyaasada, houmarinta iyo xiliyada la qaadanayo go’aanada muhiimka ah," ayuu ku daray.

Website-ka Qaramada Midoobay oo lagu daabacay qoraal u muuqda mid si wayn loogu soo taag-taagsaday ayaa lagu tibaaxay in "haweenka Soomaliyeed ay wajahayaan cadaawad soo jireen ah".

"Rabshadaha ka dhanka ah dumarka iyo gabdhaha wali way ku badan yihiin Soomaaliya. Barakicin, beegasasho iyo markay ka hadlaan dagaalka ka dhanka ah oo la weeraro, halka ragu is-daafacayaan," ayaa lagu yiri qoraalka.

Hillel Neuer oo hadalkiisa sii wata ayaa soo jeediyay in Soomaaliya iyo wadamada kale ee ku tunta xuquuqda haweenka gebi ahaanba laga saaro Guddiyadaasi.

"Uma qalmaan guddiyadaan, waa in [dalalkaasi] ay dabacada ka ilaashadaan digaagooda [doorada]," ayaa laga soo xigtay warbixinta lagu daabacay website-ka Qaramada Midoobay.

Sikastaba, doorashadaan ayaa lamid tii sanadkii hore oo ay kasoo muuqdeen wadamo ay ku jiraan Cuba, China, DRC, Eritrea iyo Saudi Arabia oo lagu dhaliilo qaabka ay dumarka ula macaamilaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM