UN-ka oo ka gaabsaday in Farmaajo ugu yeero madaxweyne

Image

NEW YORK, USA – Golaha Ammaanka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa oo xalay shir gaar ah ka yeeshay arrimaha Soomaaliya ayaa ka gaabsaday in ay si gaar ah u carabaabaan Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo], madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey.

War qoraal ah oo kasoo baxay Golaha ayaa lagu adeegsaday kalmadda "hogaamiyeyaasha dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah" – taas oo la macno ah in Qaramada Midoobay ay ka fogaaneyso in ay Farmaajo ugu yeero madaxweyne.

Hogaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo maamuladda waxaa kamid ah; Farmaajo, ra'iisul wasaaraha, guddoonka labada Aqal iyo madaxweyneyaasha maamuladda.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa caddeynaya in ra'iisul wasaare Rooble uu quudareynayo in uu kaalin ku yeesho mar-xalada kala guurka taas oo dhabaha u xaareysa in ay isku-dhacaan Farmaajo oo raba in uu isku-koobo.

James Swan, ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa warbixin siiyey golaha kahor inta aysan soo saarin bayaankooda.

"Xubnaha Golaha Ammaanka wuxuu ugu baaqayaa hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay dib u bilaabaan wadaxaajoodyadda si degdeg ah isla markaana ay si wadajir ah uga shaqeeyaan danta dadka Soomaaliyeed ayna gaaraan wada ogol ku saabsan doorashooyin loo dhan-yahay," ayaa lagu yiri qoraalkan nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka, golaha wuxuu walaac ka muujiyey burburka shirkii Dhuusamareeb 4, waxaana ay hoosta ka xariiqeen in ay soo dhaweynayaan dedaaladda lagu doonayo in lagu hirgeliyo heshiiskii 17-kii September oo Villa Soomaaliya carqaladeysay.

Mowqifka golaha ammaanka iska taagay dhamaadka muddo xileedka Farmaajo waxay kusoo hagaageysaa maalin kadib markii Midowga Musharaxiinta ay sheegeen in aysan u aqoonsaneyn madaxweyne rasmi ah maadaama waqtigiisu dhamaadey 8-da Febraayo.

Farmaajo oo raadinaya in uu difaacdo kursigiisa ayaa ku guuldareystay in uu tanaasul ka sameeyo saddexda qodob ee xudunta u ah khilaafka doorashooyinka 2020-21 oo kala ah; xulista wakiilada Somaliland, guddiyada la isku hayo ciidanka dowlada geysay gobolka Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM