UN-ka oo ka gaabsaday in Farmaajo ugu yeero madaxweyne
NEW YORK, USA – Golaha Ammaanka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa oo xalay shir gaar ah ka yeeshay arrimaha Soomaaliya ayaa ka gaabsaday in ay si gaar ah u carabaabaan Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo], madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey.
War qoraal ah oo kasoo baxay Golaha ayaa lagu adeegsaday kalmadda "hogaamiyeyaasha dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah" – taas oo la macno ah in Qaramada Midoobay ay ka fogaaneyso in ay Farmaajo ugu yeero madaxweyne.
Hogaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo maamuladda waxaa kamid ah; Farmaajo, ra'iisul wasaaraha, guddoonka labada Aqal iyo madaxweyneyaasha maamuladda.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa caddeynaya in ra'iisul wasaare Rooble uu quudareynayo in uu kaalin ku yeesho mar-xalada kala guurka taas oo dhabaha u xaareysa in ay isku-dhacaan Farmaajo oo raba in uu isku-koobo.
James Swan, ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa warbixin siiyey golaha kahor inta aysan soo saarin bayaankooda.
"Xubnaha Golaha Ammaanka wuxuu ugu baaqayaa hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay dib u bilaabaan wadaxaajoodyadda si degdeg ah isla markaana ay si wadajir ah uga shaqeeyaan danta dadka Soomaaliyeed ayna gaaraan wada ogol ku saabsan doorashooyin loo dhan-yahay," ayaa lagu yiri qoraalkan nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online.
Sidda ku xusan war-saxaafadeedka, golaha wuxuu walaac ka muujiyey burburka shirkii Dhuusamareeb 4, waxaana ay hoosta ka xariiqeen in ay soo dhaweynayaan dedaaladda lagu doonayo in lagu hirgeliyo heshiiskii 17-kii September oo Villa Soomaaliya carqaladeysay.
Mowqifka golaha ammaanka iska taagay dhamaadka muddo xileedka Farmaajo waxay kusoo hagaageysaa maalin kadib markii Midowga Musharaxiinta ay sheegeen in aysan u aqoonsaneyn madaxweyne rasmi ah maadaama waqtigiisu dhamaadey 8-da Febraayo.
Farmaajo oo raadinaya in uu difaacdo kursigiisa ayaa ku guuldareystay in uu tanaasul ka sameeyo saddexda qodob ee xudunta u ah khilaafka doorashooyinka 2020-21 oo kala ah; xulista wakiilada Somaliland, guddiyada la isku hayo ciidanka dowlada geysay gobolka Gedo.
GAROWE ONLINE