UN-ka oo shaaciyay cidda dishay boqolaal lagu laayey Soomaaliya

Image

WASHINTONG, US – Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa waxay warbixin kasoo saartay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan waxyeeladda shacabka loo geystay bilooyinkii lasoo dhaafay.

Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Badbaada u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa waxay tilmaamtay in intii u dhaxeysay 14 December 2018 iyo 4 May lagu dilay, guud ahaan Soomaaliya, 757 rayid ah.

Warbixinta ayaa intaasi ku dareysa in 72% shaqsiyaadkaasi ay ku baxeen weeraradda maleyshiyaadka hubeysan ee Al-Shabaab.

Sidda ku xusan qoromadda, 9% oo kamid ah xubnahaasi ayaa waxaa khaarijiyey ciidamadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hay’adda ayaa sheegtay in 10% ay ku naf-waayeen gacan aanan la aqoonsan, oo ay ku jirto 6% oo ah duqeymo ay fuliyeen diyaarado aanan heybtooda la garan.

Soomaaliya, dal dhaca Geeska Afrika, oo kasoo kabanaya colaado sokeeye tan iyo burburkii 1991-dii, ayaa lagu sheegaa in uu kamid yahay wadamada ugu badan ee sanad kasta lagu laayo rayidka.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida oo ah khatarta ugu weyn ammaanka waddanka ayaa fulisa howlgalo isugu jira qaraxyo gaari iyo is-miidaamin si lamid ah weeraro toos ah iyo dilal qorsheysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM