UN-ka oo soo dhaweeyay shirkii uu Farmaajo iclaamiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaramadda Midoobay ayaa ku dhawaaqdey in ay soo dhaweyneyso shirkii uu madaxweyne Farmaajo u muddeeyay madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee howlgalka UN-ka ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in ay rajeynayaan in uu miradhali doono wadahaladda ka dhacaya magaaladda Dhuusamareeb.

"Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan shirka uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed 'Farmaajo' isugu yeeray Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Fedaraalka ah magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna ku boorrinayaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay heshiis isku tanaasul gaaraan si degdeg loogu fuliyo nuucii doorasho ee 17-kii Sebtember," ayaa lagu yiri qoraalka.

Shirka ay Dhuusamareeb ku yeelanayaan madaxda dowladda federaalka ah iyo maamuladda ayaa qabsoomaya inta u dhaxeysa 1-da Febraayo illaa 3-da Febraayo ee sanadkan 2021-ka.

Shaacinta kulankaas ayaa timid ka gedaal markii madaxweyne Farmaajo uu cadaadis xoogan kala kulmay wakiiladda Beesha Caalamka oo ugu tegay qasriga Madaxtooyadda ee magaalada Muqdisho.

Kulan deg-deg ah oo ay yeeshaan dowladda iyo maamuladda waxaa horey u soo jeediyey Puntland iyo Jubaland si xal loogu helo is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka heer qaran.

"Saaxiibada beesha caalamku* waxay soo dhoweynayaan magacaabidda Guddiyada Heer Dowlad Goboleed ee Hirgelinta Doorashada Jubaland iyo Puntland, ee la soo bandhigay 27ka bisha Janaayo. Inkastoo ay soo daahday, tallaabadan wanaagsan waaxay gacan ka geysan kartaa abuuridda jawi degdeg loogu hirgeliyo hanaanka doorashada ee heshiiskii 17kii Sebtembar si loo wada dhanyahay oo la isku raacsanyahay," ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen Jimcadii.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Saaxiibada beesha caalamku waxay si buuxda u taageerayaan soo jeedinta ah in si degdeg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada ee harsan si horey loogu socdo qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhanyahay".

"Saaxiibadu waxay ku baaqayaan hanaan doorasho oo mid ah oo lagu heshiiyay – iyadoo aan jirin doorashooyin kale oo isbarbar socda ama aan loo dhamayn – oo loo qabto si nabad ah iyadoo la ilaalinayo saaxadda siyaasadda iyo xorriyadda warbaahinta, lana damaanadqaadayo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30, ayna ka soo baxayso natiijo lagu kalsoonaan karo loona wada dhanyahay oo u adeegaysa danta qaran," ayay tibaaxeen.

Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "In la qabto doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo lagu kalsoonaan karo waa arrin aad muhim ugu ah iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka. Saaxiibada beesha caalamku waxay ku boorinayaan dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay sameeyaan isu tanaasul gar ah oo lagama maarmaan u ah in la xaqiijiyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo".

Qodobada ugu culus ee la isku hayo ayaa kala ah; guddiyadda ay soo magacowdey dowladda kuna dartay xubno taabacsan, qaabka loo xulayo wakiiladda maamulka Somaliland iyo ciidanka jooga Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo helay cadeymo Muujinaya Xiriirka Daacish iyo Somaliland

Toddobaadkii hore, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay heleen lacagta Somaliland oo looga tagey goobihii laga saarey Daacish.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 02:35PM

Laftagareen oo Ka Qayb Galay Xuska 129-aad ee Guushii Itoobiya ka gaartay dagaalkii Adwa

Wuxuu sidoo kale xusay in xuska noocan ah uu muhiim u yahay kor u qaadista isbeddelka siyaasadeed iyo dhaqaalaha ee qaaradda Afrika.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 12:40PM