UN-ka oo taageeray dib-u-bilaabida shirka doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaramada Midoobay oo kamid ah daneeyeyaasha ugu muhiimsan ee Soomaaliya ayaa si gaar ah waxay u soo bandhigtey mowqifkeeda ku aadan dhacdooyinka siyaasadeed ee ugu dambeysay ee dalkan dhaca Geeska Afrika.

Burburka wadahadaladii xalka loogu goobayey khilaafka doorashooyinka iyo go'aanka halka dhinaca ee Golaha Shacabka labada sano ugu kordhiyey maamulka Farmaajo ayaa kamid ah dhacdooyinkii u dambeeyay.

Kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda, Rosemary DiCarlo, ayaa Twitter-ka ku qortey in ay aad uga walaacsan tahay xaaladda cakiran ee Soomaaliya wajaheyso.

Danjirihii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa madaxda Soomaalida waxay ku boorisay in ay dib ugu laabtaan wadaxaajoodyadda.

"Waxaan maanta la kulmay daneeyeyaasha caalamiga ah ee ugu muhiimsan ee Soomaaliya. Dhacdooyinka siyaasadeed ee ugu dambeeyay ee waa kuwa aad looga walaaco," ayay tiri.

Diblumaasiga Ameerikaan ah ayaa hoosta ka xariiqdey in xalka uu ku jiro dhaqan-gelinta heshiiska doorasho ee 17-kii September kaasoo xeerinaya doorasho dadban oo laba degaan doorasho ah.

"Waxaan ka dalbaneynaa hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay dib ugu laabtaan miiska wadahadalka ayna fuliyaan nooca doorasho eee 17-kii September kaasoo haysta taageero mideysan ahna qaabka kaliya ee horey loogu socon karo," ayay kusoo xirtey.

Dhawaqa haweenydan ayaa xoojinaya hadalo horey uga soo yeeray Beesha Caalamka oo ah in aysan taageeri doonin muddo kordhinta kuna goodiyeen talaabooyin cunaqabateyn ku jirto "haddii la iska indhatiro halista ku darsiga".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM