UN oo rajo fiican ka muujisey shirka doorashada ee Muqdisho
MUQDISHO, Soomaaliya - Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa rajo fiican waxay ka muujisay in wada-ogol uu kusoo dhamaan doono wadahadalada madaxda Soomaaliya ku xalinayaan khilaafka doorashooyinka.
James Swan, wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo shalay galab ka hadlay fadhi gaar ah oo Golaha Ammaanku yeeshay, ayaa tibaaxay in "horumar lagu sameeyay wadaxaajoodka".
"Waxaa na loogu dhiirigaliyay in, ilaa iyo hada, jawi wanaagsan uu jiro, oo dhamaan dhinacyada ay soo sheegaan horumarka laga sameeyay doodaha. Hadana hadii aan ku daro, Mudane Madaxweyne, warka galabta sidoo kale waa mid aad u wanaagsan, waxayna u muuqataa mabaadi'da Soomaalida inay aad ugu dhowdahay heshiis, laakiin waxay noqon doontaa iyaga inay ku dhawaaqaan tan waxaanan rajeynaynaa in lasoo bandhigo saacadaha soo socda," ayuu tibaaxay Swan.
Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in hogaamiyeyaasha shantii maalmood ee lasoo dhaafay ku shirsan Teendhada Afasiyooni ay ku heshiiyeen afar qodob kuwaasoo saddex kamid ah xudun u ahaayeen is-qabqabsiga.
Sida laga soo xigtay Swan, madaxda Soomaalida ayaa u baahan in ay "xilligan taariikhiga ah" muujiyaan hogaamin wanaagsan "taasoo ah waxa ay u baahan yihiin dadka iyo dalka Soomaaliyeed".
"Waxaan mar kale kula dardaarmayaa madaxda Soomaalida inay xal ku helaan niyad sami, iyo inay muujiyaan hogaaminta dalku uga baahan yahay xilligan taariikhiga ah. Saxiixayaasha heshiiska 17-ka Sebtember waa inay hadda ballan-qaadaan waddo cad oo horay loogu soconayo qabashada doorashooyinka. Taas la'aanteed, horumarka laga gaarayo arrimaha muhiimka ah ee qaranka ayay carqalad ku noqon doontaa, ama kaga sii dari kartaa, keeni kartaanna in dib looga noqdo, meelaha muhiimka ah, oo ay ku jiraan qaybaha amniga, dhaqaalaha iyo horumarka," ayuu ka dhawaajiyey diblumaasiga sare.
Dhanka kale, diblumaasiga Ameerikaanka ah oo walaac ka muujiyey halista Al-Shabaab sheegayna "in ay waleegayso weeraro taxano ah" ayaa adkeeyay baahida loo qabo sare u qaadista howlgalada lagu cadaadinayo ururka.
"Waxaa ku filan in la dhaho Al-Shabaab waxay muujiyeen dadaal iyo adkeysi bilihii la soo dhaafay. Hawlgallada Ciidamada Amniga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sidaas darteed weli muhiim u ah sii joogteynta cadaadiska kooxdan," ayuu Swan caddeeyay isaga oo hoosta ka xariiqay in ay sii wadayaan taakuleynta ciidamadda AMISOM iyo dhigooda Soomaalida ah.
Ammaanka waa mid kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaala doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya si gaar ah degaanada aysan ku xooganeyn dowladda halkaasoo ay ka dhici karaa falal liddi ku ah nabad-gelyada.
GAROWE ONLINE