​Ururka Al Shabaab oo la wareegay degmada Marka

Image

MARKA, Somalia- Wararka ka imaanaya degmada Marka gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegay in mallayshiyaad hubaysan gudaha u galeen qaybo kamid ah magaalada kadib markii ay isaga baxeen ciidamo katirsan dowladda oo muddo gacanta ku hayay.

Lama oga ilaa hadda sababta ciidamadu uga baxeen magaaladaasi.

War kasoo baxay ciidamada AMISOM, ayaa lagu sheegay inay ku suganyihiin ciidamadoodu saldhig ay ku leeyihiin duleedka magaalada.

Arrintan ayaa dadka qaar sheegeen inay la xiriirto weerarkii ururka Al Shabaab ku qaadeen Saldhigga ciidamada dowladda ee Laanta-buur.

Goob joogayaal ku sugan magaaladaasi ayaa GO u sheegay in xaaladdu haatan dagantahay, balse laga  cabsi qabo dagaal dhexmara ciidamada AMISOM oo kaashanaya kuwa dowladda iyo mallayshiyaadka Al Shabaab.

Qabsashada Marka ayaa ku soo beegmeysa xilli ciidamada AMISOM iyo kuwa Somaliya ka cabanayaan mushahar la'aan soo food saartey. 

Ururka midowga Afrika ayaa qoraal uu kasoo saarey asbuucii la soo dhaafey magaalada Addis Ababa in ciidmadooda kala baxayaan Somaliya dabayaaqada sanadka 2020.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada iyo dowladda Federalka Somalia, balse tallaabooyinkan, waxay noqdeen kuwa soo noq noda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM