​Ururka Al Shabaab oo la wareegay degmada Marka

Image

MARKA, Somalia- Wararka ka imaanaya degmada Marka gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegay in mallayshiyaad hubaysan gudaha u galeen qaybo kamid ah magaalada kadib markii ay isaga baxeen ciidamo katirsan dowladda oo muddo gacanta ku hayay.

Lama oga ilaa hadda sababta ciidamadu uga baxeen magaaladaasi.

War kasoo baxay ciidamada AMISOM, ayaa lagu sheegay inay ku suganyihiin ciidamadoodu saldhig ay ku leeyihiin duleedka magaalada.

Arrintan ayaa dadka qaar sheegeen inay la xiriirto weerarkii ururka Al Shabaab ku qaadeen Saldhigga ciidamada dowladda ee Laanta-buur.

Goob joogayaal ku sugan magaaladaasi ayaa GO u sheegay in xaaladdu haatan dagantahay, balse laga  cabsi qabo dagaal dhexmara ciidamada AMISOM oo kaashanaya kuwa dowladda iyo mallayshiyaadka Al Shabaab.

Qabsashada Marka ayaa ku soo beegmeysa xilli ciidamada AMISOM iyo kuwa Somaliya ka cabanayaan mushahar la'aan soo food saartey. 

Ururka midowga Afrika ayaa qoraal uu kasoo saarey asbuucii la soo dhaafey magaalada Addis Ababa in ciidmadooda kala baxayaan Somaliya dabayaaqada sanadka 2020.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada iyo dowladda Federalka Somalia, balse tallaabooyinkan, waxay noqdeen kuwa soo noq noda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM