Ururka Al shabaab oo weerar Qaraxyo la socdaan ku galey Degmada Afgooye

Image

AFGOOYE, Somalia - Al Shabaab ayaa Galabta weerar toos ah iyo qarax ku qaadey degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka ayaa ku billowday qarax loo adeegsaday gaari HOMY/Caasi ah oo lagu qaadey saldhig ay Ciidamada Booliska iyo Militariga Soomaaliya ku leeyihiin duleedka Afgooye, gaar ahaan dhanka Wanlawayn.

Qaraxa ayaa xigay Dagaal Toos ah oo ka dhex-qarxay Al shabaab iyo Ciidamada dowladda, kaasi oo lagu soo waramayo in uu geestay khasaarooyin badan.

Ugu yaraan 7 Askari, oo uu kamid yahay sarkaal sare ayaa lagu dilay dagaalka, waxaana wararka aan ka helayno dadka deegaanka sheegayaan in inta badan degmada ay qabsadeen Al shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Al shabaab ay ku sugan yihiin Saldhig Booliska degmada Afgooye iyo qeybo badan, iyadoo walina uu socdo dagaal xoogan.

Dagaalada Al shabab ay la beegsanayaan ciidmada dowlada iyo Amisom ayaa sii xoogeystey xilli la filayo in doorasho dalka ka dhacdo dhowaan.

Faahfaahin warkaas ayaan idin soo gudbin donaa dhowaan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM