Ururka Al shabaab oo weerar Qaraxyo la socdaan ku galey Degmada Afgooye

Image

AFGOOYE, Somalia - Al Shabaab ayaa Galabta weerar toos ah iyo qarax ku qaadey degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka ayaa ku billowday qarax loo adeegsaday gaari HOMY/Caasi ah oo lagu qaadey saldhig ay Ciidamada Booliska iyo Militariga Soomaaliya ku leeyihiin duleedka Afgooye, gaar ahaan dhanka Wanlawayn.

Qaraxa ayaa xigay Dagaal Toos ah oo ka dhex-qarxay Al shabaab iyo Ciidamada dowladda, kaasi oo lagu soo waramayo in uu geestay khasaarooyin badan.

Ugu yaraan 7 Askari, oo uu kamid yahay sarkaal sare ayaa lagu dilay dagaalka, waxaana wararka aan ka helayno dadka deegaanka sheegayaan in inta badan degmada ay qabsadeen Al shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Al shabaab ay ku sugan yihiin Saldhig Booliska degmada Afgooye iyo qeybo badan, iyadoo walina uu socdo dagaal xoogan.

Dagaalada Al shabab ay la beegsanayaan ciidmada dowlada iyo Amisom ayaa sii xoogeystey xilli la filayo in doorasho dalka ka dhacdo dhowaan.

Faahfaahin warkaas ayaan idin soo gudbin donaa dhowaan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM