Ururka Al-shabaab oo weerar gaadmo ah ku qaadey Afgooye

Image

AFGOOYE 20 June,2015 (GO)- Ugu yaraan sideed ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka ayaa ku dhintey weerar 2:00 habeenimo ee xaley kooxda Al-shabaab kusoo qaadey xero ku taal duleedka degmada Afgooye.

Dhaawaca askarta ayaa labo ah halka kooxda weerarka soo qaadey qabsadeen afar gaari oo ka tirsanaa gadiidaka ciidanka ee markaas ku sugnaa xerada.

Cabdullaahi Maxamed Xaaji Cali oo ah Taliye Ku Xigeenka Booliska ee Afgooye ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamadiisu dib u soo qabsadeen labo gaari oo ka tirsanaa kuwii laga qabsadey.

Degmada Afgooye oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa ururka al-shabaab wuxuu muddooyinkii u dambeeyey ka geysaneyey weeraro gaadmo ah kuwasoo loo gaysanyo ciidamada dowlada iyo saraakiisha maamulkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM