Villa Somalia oo beenisay in hubkii lagu weeraray Dusit hotel ay leedahay DF

Image

MUQDISHO, Somalia - Villa Somalia ayaa beenisay warbixin lagu daabacay wargeyska Daily Nation, oo ku saabsan in hubkii lagu weeraray hotel-ka Dusit D2 ee Nairobi 15-kii bishan ay lahayd dowladda Federaalka ah ee Somalia.

Cabdi Saciid Maxamed Cali, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Farmaajo ayaa beeniyay warkan, isagoo ku tilmaamay "Fake News" war been ah.

La-taliyah aya qoraal uu soo dhigay bartiisa Tiwtter-ka ku sheegay in inaysan jirin wax caddeymo ah oo loo hayo arintan, oo dowladda Kenya la wadaagtay dowladda Federaalka Somalia.

"Kuwa weerarka fuliyay waxay ka yimaadeen isla gudaha Kenya, waxayna ahaayeen muwaadiniin Kenyan ah, ma jirto caddeyn lala wadaagay dowladda Federaalka," ayuu yiri Cabdi Saciid.

Sida ay ku warameyso Daily Nation, qoryihii AK-47-ka ee loo adeegsadeen weerarka waxay saddex kamida ku taallay astaanka "SO" taasoo lagu garto hubka ciidamada dowladda Federaalka ah ee Somalia ay leeyihiin.

Inta la xaqiijiyay 21 ruux oo in ka badan 10 ay Kenyan yihiin, ayna ku jiraan muwaadiniin Ameerikaan, Ingiriiska, Canadian iyo labo Soomaali ah ayaa ku geeriyootay weerarka oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM