Villa Soomaaliya oo beenisay War aad loo la hadal-hayay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal katirsan Madaxtooyada Soomaaliya, oo lagu magacaabo Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa beeniyay warqad baraha bulshada lagu baahiyay, oo ku aadanayd magacaabista Safiir cusub.

Cabdinuur oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warka sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu Dr Maxamed Cali Mire u magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya.

Wuxuu xusay in Warqada baraha bulshada lagu dhex faafiyay ay been abuur tahay, oo dadka lagu jahwareerinayo, isagoo xaqiijiyay inuusan jirin Safiir Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Kenya.

Cabdinuur Maxamed Axmed, oo ah agaasiimaha Warfaafint iyo xiriirka Madaxtooyada, Villa Soomaaliya ayaa ka digay baahinta wararka noocaas ah, oo lagu qalqal-gelinayo Siyaasadda wadanka.

Beeninta Warqaddan waxay imaanaysa xilli ay isasa soo tarayeen mudooyinkii dambe warqado laga been abuuray maamul goboleedyada iyo Hay'adaha sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM