Villa Somalia oo bilowdey sameynta "dukumiintiyo bug ah"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxtooyadda Soomaaliya waxay isku bedeshay xarun lagu sameeyo dukumiintiyadda been-abuurka ee Dowladda Federaalka ah, sidda ay sheegeen Midowga Musharaxiinta doorashooyinka madaxtinimadda Soomaaliya oo soo saarey bayaan lagu luuqadda qalaad ee Af-Ingiriisiga.

Dhawaqa musharaxiinta ayaa kusoo hagaagaya xilli labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay xafiiska madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey kasoo baxeen laba qoraal oo uu ku kala saxiixay guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa iyo todoba xubnood oo la sheegay in ay kamid noqonayaan Golaha Adeega Garsoorka.

Musharaxiinta oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa sharci darro waxay ku sifeeyeen talaabadda maamulka Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo].

"Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu walaac ka muujinayaa talaabadda mas'uuliyad darada ah ee madaxweynihii hore uu ku abuurayo amni darada, xasilooni darada iyo qalalaasaha dastuuriga ah. Goluhu wuxuu sidoo kale walwal ballaaran ka muujinayaa xaqiiqada ah in Madaxtooyadda ay noqotay xarun lagu sameeyo dukumiintiyada been-abuurka ee dowladda," ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidda ku xusan qoraalkaas uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online, musharaxiinta ayaan aqoonsaneyn qoraal kasta oo kasoo baxa Farmaajo wixii ka dambeeyay 8-da Febraayo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu ku ekaa.

"Goluhu marnaba, xaalad kasta haku timaado, ma aqbalayo wax kasta oo sharci darro ah ama nooc kasta oo been abuur ah ama wax kasta oo xafiis dowladeed kasoo baxaya iyaddoo awood dastuuri ah aan loo haysan," ayay kusoo xireen.

Dhanka kale, Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin sheegashooyinka musharaxiinta mana ka jawaabin codsiyo uu warsidaha Garowe Online u diray si ay u beeniyaan ama u soo bandhigaan caddeymo ku saabsan in qoraaladda la saxiixay kahor inta uusan Farmaajo ka dhamaan mudo xileedka.

Qoraalka musharaxiinta

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maamuli Doonta Howlgalka AUSSOM

Moalim ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyay sugida deegaanada muhiimka ah iyo ka saarista khataraha argagixisada.

  • Soomaliya

    28-02-2025

  • 12:07PM

Maxay uga hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed Kulankoodii Muqdisho?

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 06:11PM