Villa Soomaaliya oo ka walaacan shirarka Nairobi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa waxay walaac ka muujisey shirar maamlaamahan magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga socda qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada.

Madaxweynayeyaasha Jubaland, Galmudug, xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya iyo siiyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda Soomaaliya ayaa ku shiraya caasimada Kenya.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo arrintan ka hadlay isaga oo ku sugan magaalada Baardheere oo uu safar shaqo ku tagay ayaa sheegay in xukuumada ay dhibsaneyso kulamadaasi.

“Dowlad ahaan, waa na dhibeysaa inaan aragno maamul goboleedyadii oo ku shiraya ninkii budka noo haystay gurgiisa” ayuu yiri Wasiirka.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli xiriirka Villa Soomaaliya iyo Kenya uusan wanaagsanayn, sidoo kalena labada dal ay dacwad ku aadan muranka xuduud badeeda ay ka taallo maxkamadda ICJ.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale khilaaf kala dhaxeeyaa madax katirsan kuwa dowlad goboleedyada dalka, iyadoo aan jirin wax wadashaqeyn ah, xilli dalka la filayo inay doorasho ka dhaco sanadka soo socda.

Shirkii Garowe ee ay yeesheen maamulada iyo dowlada ayaa fashil kusoo dhamaadey markii dowlada ay diiday in ay garowshiyo ka bixiso cabashooyin kaga yimid madaxda maamulada qaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM