Villa Soomaaliya oo ka walaacan shirarka Nairobi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa waxay walaac ka muujisey shirar maamlaamahan magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga socda qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada.

Madaxweynayeyaasha Jubaland, Galmudug, xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya iyo siiyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda Soomaaliya ayaa ku shiraya caasimada Kenya.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo arrintan ka hadlay isaga oo ku sugan magaalada Baardheere oo uu safar shaqo ku tagay ayaa sheegay in xukuumada ay dhibsaneyso kulamadaasi.

“Dowlad ahaan, waa na dhibeysaa inaan aragno maamul goboleedyadii oo ku shiraya ninkii budka noo haystay gurgiisa” ayuu yiri Wasiirka.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli xiriirka Villa Soomaaliya iyo Kenya uusan wanaagsanayn, sidoo kalena labada dal ay dacwad ku aadan muranka xuduud badeeda ay ka taallo maxkamadda ICJ.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale khilaaf kala dhaxeeyaa madax katirsan kuwa dowlad goboleedyada dalka, iyadoo aan jirin wax wadashaqeyn ah, xilli dalka la filayo inay doorasho ka dhaco sanadka soo socda.

Shirkii Garowe ee ay yeesheen maamulada iyo dowlada ayaa fashil kusoo dhamaadey markii dowlada ay diiday in ay garowshiyo ka bixiso cabashooyin kaga yimid madaxda maamulada qaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM