Villa Somalia oo lacag cusub u timid iyo maamullada oo warqado loo diray [AKHRI]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa mar labaad warqad u diray Wasaaradaha Maaliyadda, ee dowlad-goboboleedyad, taasoo kaga dalbadey inay soo gubiyaan xusaab-celin lacagii la siiyay.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Beyle ayaa lagu sheegay in Wasaaradda ay ka codsaday maamul goboleedyada inay soo diraan xisaab xirka lacagtii hore loo siiyay, sidoo kalena soo gudbiyaan dalabkooda lacagta cusub ee deeqda Bangiga Adduunka.

"Waxaan ku faraxsanahay in qeybtii labaad Surge Support-ka uu Bangiga Adduunka soo diray, waxaana dowlad goboleedyada ka codsanaynaa inay soo diraan xiisaab xirka lacagihii hore iyo dalabka lacagta cusub," ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wuxuu xaqiijiyay Wasiirka in dowladda Federalka ah ee Soomaaliya soo gartey 5 milyan oo dollarka Mareykanka, oo uu soo diray Bangiga Adduunka, taasoo lagu soo shubey Bangiga dhexe ee dowladda, ee ku yaalla Muqdisho.

Madaxda maamullada qaarkood, oo Axmed Madoobe kamid yahay ayaa shirkii bishii lasoo dhaafay ee Kismayo ku yeesheen Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ka sheegay in maamulkiisa Jubbaland aysan jirin wax lacag ah oo uga timid dhanka dowladda dhexe.

Waxyaabaha keenay khilaafka hadda u dhaxeeya dowlad-goboleedyada iyo Villa Somalia ayaa waxaa qeyb ka ah qeybsiga deeqaha dhaqaale ee loogu deeqo Soomaaliya, oo ay saluugsan yihiin maamullada sida dowladda Federaalka u maamusho.

HALKAN KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM