Villa Somalia oo Baydhabo ku celisay Xildhibaanada Koonfur Galbeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta diyaarad uga qaadey Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo dib ugu celisay Baydhabo.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in Xildhibaanada saaka aroortii basas looga qaaday Hoteeladii ay dowladda markii hore ka dejisay Muqdisho, oo maalmihii lasoo dhaafay ay wadahadallo kula lahaayeen madax katirsan DF.

Tallaabada Xildhibaanada Koonfur Galbeed lagu keenay Muqdisho xilli maalmo kaharsan yihiin doorashada ayaa banaanka soo dhigtay faragelinta Villa Somalia ku heyso doorashada Koofur Galbeed, iyadoo dhaqaale badan ku taageeraysa Musharax gaar ah.

Xildhibaanada maanta dib loogu celiyay Baydhabo oo gaaraya ilaa 40 ayaa waxaa la sheegay in loo sameeyay balan-qaadyo isagu jira xilal loo magacaabi doono iyo lacago laaluush ah ayaa, waxay doonayaan inay 17-ka doortaan Madaxweyne xilli doorashada dib loo dhigay, islamarkaana ay is-casileen xubinhii gudiga doorashada.

Gollaha Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareey maalintii shalay ku shaaciyay inay dib u dhigeen doorashada, iyadoo cuskanaya qodobka 60-aad ee Dastuurka maamulkaasi oo siinaya awooddan marka lagu jiro marxaladaha nooca ah ee khilaafka iyo jahwareerka ah.

Odayaasha ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya inay faragelin toos ah ku hayso hanaanka doorashada, iyagoo xusay in Xildhibaanadii la rabay inay dhex-dhexaad u noqdaan dhamaan musharaxiinta loo duubulay Muqdisho, iyagoo lagu dhiiragelinayo inay musharaxa dowladda u codeeyaan.

Madaxda Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa eedeyn midan lamid ah u jeediyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyagoo shaaciyay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaarihiisa ay qaadi doonaan mas'uuliyadda dhibaatadii ka dhalata doorashada Koonfur Galbeed.

Waxaa laga digay in Baydhabo uu dagaal ka dhaco, maadaama dowladda ay geysay Musharixiin hubeysan, oo wata ciidamo ay dhanka Muqdisho kala yimaadeen iyo gaadiid dagaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM