Villa Soomaaliya oo caqabad ku noqotay baarista kiiska Ikraan

Image
Image
Madaxtooyadda ayaa lagu eedeeyay in ay gabaad-siinayso eedeysaneyaasha qadiyadan oo ah hogaankii hay'adda sirdoonka qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya oo caqabad ku noqotay baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax, sida ay sheegtay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka tirsan baarlamaanka federaalka 10aad ee Soomaaliya.

Aamina oo qoraal ku daabacdey ciwaankeeda gaarka ah ee Facebook-ga ayaa shaaca ka dhigtay "in dadka kiiska lagu tuhmayay ay awoodda doowladda isku qarinayaan".

Sida laga soo xigtay Aamina, "Sidoo kale waxa ay isku dayayaan in caddeeymihii kiiska oo idil la baab’iyo oo ay ugu horeeyaan Kaamirooyinkii in la tirtiro".

"Sida aan ka warqabno baaritaankii kiiska Ikraan Tahliil ee aan geeynay maxkamadda wuu dhaqaaqi la’yahay sababo la xeriira dadka kiiska lagu tuhmayay oo awoodda doowladda isku qarinayo," ayay sheegtay.

Waxay hadalkeeda raacisay: "Maxkamadda iyo xeer ilaalinta waxa ay noo cadeeyeen in kiiska iyo halkii laga abaari lahaaba ay ishor taagtay madaxtooyada iyo hogaanka ay u aqoonsan yihiin taliska NISA. Sidoo kale waxa ay isku dayayaan in caddeeymihii kiiska oo idil la baab’iyo oo ay ugu horeeyaan Kaamirooyinkii in la tirtiro".

"Reysalwasaaraha oo aan maanta ugu tagnay inaan kala hadalno Kiiska Ikraan, wuxuu noo ballan qaaday in kiiska Ikraan uusan marnaba gorgortan ka galeyn ilaa caddaalad loo helo," ayay xustey.

Aamina ayaa kusoo gabagabaysay hadalkeeda: "Aniga iyo qooyskaba waxaa naga go’aan inaan caddaalad u helno Ikraan. Shir jaraa’id oo aan dhawaan qabtay ayaan kaga hadlay dhibaatada iyo ishortaagga kiiskaan".

Ikraan oo ka tirsaneyd hay'adda sirdoonka qaranka gaar ahaan qeybta keydinta macluumaadka ayaa la rumeysan yahay in ay sababsatay kiiska dilka Injineer Yariisow iyo askarta tababarka loogu qaadey Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM