Villa Soomaaliya oo ka hadashay geerida Kofi Annan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayihii 7aad ee Qaramadda Midoobey, Kofi Annan ayaa shalay ku geeryooday dalka Switzerland, isagoo 80 jir ah, waxaana dhimashadiisa loo tiiriyay xanuun kusoo booday.

Madaxtooyadda dalka Soomaaliya oo ka hadashay geerida Annan waxay tilmaamtay inay aad uga murugooneyso dhimashadda Kofi Annan, waxayna ku dhimaamtay sharci-dijiye aan caadi ahayn, kaasoo waqtigiisa u huray inuu dunida wanaajiyo.

"Aad ayaan uga muragooneynaa dhimashada Kofi Anan. Waxuu ahaa sharci-dejiye, kaasoo ay ka go'an tahay inuu ka shaqeeyo sidii uu dunida uga dhigi lahaa mid wanaagsan," ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee Villa Soomaaliya.

Annan ayaa waxa uu diblumaasi sarre, kaasoo udhashay dalka Ghana ee Qaaradda Afrika waxa uuna xilka Xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobey uu hayay intii udhaxeysa January 1997 iyo December 2006, xili Villa Soomaaliya ay amaanta howlahiisa.

"Aad baan uga naxnay geerida Kofi Annan. Wuxuu ahaa dimlomaasi caalami ah oo ka go'nayd inuu ka shaqeeyo nabada caalamka. Waxuu waqtigiisa u huray hel u helida colaadaha. Dhaxalkiisa wuu sii noolaan doonaa," ayaa lagu yiri qoraalka Villa Soomaaliya.

Annan ayaa intii uu hayey Jagadda Xoghayaha guud ee QM ayaa waxuu dhowr mar jeer oo kala duwan uu soo booqday magaaladda caasimada ah ee Muqdisho, waxaana uu kaalin wayn kasoo qaatay xal u helista dagaalada garaadiyay Soomaaliya.

Geeridda lama filaanka ah ee ku timid Kofi Annan waxaa si wayn uga fal-celiyay caalamka, iyadoo hoos lo dhigay calanka Qaramada Midoobey, si loogu xushmeeyo xogyihii hore, oo mudo 10 sano ah soo hogaamiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM