Villa Soomaaliya oo ka hadashay socdaalka Farmaajo ee Uganda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed waxay ku fahfaahisay socdaalka Farmaajo ee magaala madaxda Uganda ee Kampala.

Hoos ka akhriso bayaanka Villa Soomaaliya

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QEYB GELAYA CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA UGANDA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Kambaala ee Caasimadda Dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qayb gelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni oo ku martiqaaday xafladda qaar ka mid ah Madaxda caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Uganda waxa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qayb gelaya munaasabaddan, isaga oo kala hadli doona danaha wadajirka ah ee kala dhexeeya dalkeenna.

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb gelaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Yoweri Museveni waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.


Socdaalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay saddex bil jirsatay joogitaanka Farmaajo ee Villa Soomaaliya isagoo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu idlaadry 8-dii Febraayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM