Villa Soomaaliya oo ku fashilantay in ay colaad sokeeye "geliso" Jubaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa ku talogalay in uu dagaal sokeeye geliyo Jubaland hadii uu ku fashilmay in uu Axmed Madoobe kaga adkaado doorashadii ka dhacdey Kismaayo, sidda uu ka dhwaajiyey wasiir.

Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubaland oo tibaaxay in Farmaajo uu si cad u diidey wada-xaajood uu galo Axmed Maxamed Islaam, ayaa tibaaxay "afduubkii loogu geystay Muqdisho" uu la xiriiray in uu naqdiyey qorshahaas.

Sidda laga soo xigtay sheegashadiisa, talaabadii ay dowladda Soomaaliya ku baabi'isay warqadii ay Xeer-ilaalinta ku eedeysay April, 2029 wuxuu la xiriiray fulinta qorshahaas iyo in uu la kulmo madaxda dowlada hadda jirta.

Bishii Febraayo, 2019 ayuu tibaaxay in uu wadahadal dhanka telefoonka la yeeshay madaxweyne Farmaajo "ii sheegay in ay dan iga leeyihiin".

Bishii Maaj, 2019, Nairobi ayuu tibaaay in uu kula kulmay Fahad Yaasiin Daahir, taliyaha sirdoonka, kaasoo isana ku balamiyey magaalada Muqdisho.

Kadib markii warqada soo baxdey, Bishii June 26-deeda, 2019, Janan wuxuu tegay Muqdisho. 28-kii salaam ugu tegay Farmaajo; 29-kii waxay wada qaateen kulan afar saac socday kaasoo aakhiritaankii kusoo dhamaadey is-faham daro.

Mr Janan ayaa intaas ku daray in Villa Soomaaliya ay u soo bandhigtey in uu gobolka Gedo u gacan-geliyo dowlada federaalka si ay uga soo saarato Xildhibaano Farmaajo doon ah doorashooyinka sanadka 2020-21.

"Kadib waxaa isoo baxdey khatar ah in dadka reer Jubaland ee isku qoyska ah oo markii beel ahaan Mareexaan iyo Ogaadeen ah in la isku diro oo dhibaato ay ka imaan karto khatar ah ayaa khatarteeda oo aad u fara badan baa ii muuqatay runtii," ayuu u sheegay Hanoolaato.

Markii la waydiiyey cidda isku direysa ayuu ku jawaabay: "Waxaa isoo baxdey in ay isku dirayaan madaxda dalka oo madaxweynuhu ugu horeeyo iyo taliska nabad-sugida [iyo sirdoonka Qaranka".

"Waxaan saas u leeyahay hadii uu doonayo in uu Axmed meesha uga qaado qaab sharci darro ah isagoo adeegsanaya qabiilkiisa in halkaas ay ka imaan karto colaad sokeeye; waxaa markaas magaalada Muqdisho jooga oo huteelo deganaa odayaal Mareexaan ah oo la leeyahay Jubaland baa waxaad ku dhiseysaan Gedo oo Xildhibaanaa kusoo saareysaan," ayuu xusay.

Isagoo ka jawaabaya hadii madaxweyne Farmaajo uu wadahadalka ugu sheegay in uu rabo in uu qabiil ahaan ula dagaalamo Axmed Madoobe ayuu Janan kaga war-celiyey: "Dabcan mar hadii odayaal qoys ay meesha fadhiyaan, aniga oo wasiirka amniga ka ah Jubaland qoysna la ah madaxweynaha la ii yeeray, danta la igala hadlayana ay tahay in aan Axmed Madoobe iyo Jubaland la diriro; waxay isku bedeleysaa dagaal qabiil, waxaan madaxweynaha kala hadlay arrintaas in aysan sax ahayn, asaga shaqsiysan aysan sumcad ugu jirin, anigana aan rabin in wixii aan shalay soo bilaabay oo maanta nidaam dowli ah u taagan in aan gacanteyda ku burburiyo, hadii taasna aysan suurtagal ahayn isaga iyo Axmed Madoobe oo bahashu ka dhaxeyso ay is-fahmaan oo aan qabiil loo bedelin".

Dhanka kale, Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin eedeynta Janan. Isku dayo uu Garowe Online wax uga weyn lahaa ma guuleysan.

Madaxda dowladda federaalka ee waqtiga kasii dhacayo ayaa u muuqda goor sii horeysay qorsheystay in ay waddanka ka hirgeliyaan nidaam aan ahayn kan Soomaalidu ku heshiisay ee Federaalka taasoo culeys iyo halisteeda leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Duqayn 

Ciidamada Maraykanka ayaa gacan ka geystay ka hortagga khataraha Al-Shabaab ku hayso dalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-03-2025

  • 12:49PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Lacageed gaarsiisay Haweenka danyarta ah ee Gobolka Banaadir

Haweenkii ka faa ideystay ayaa uga mahad celiyay hay'adda Hormuud Salaam Foundation deeqda ay soo gaarsiisay.

  • Soomaliya

    09-03-2025

  • 10:33AM