Villa Soomaaliya oo ku fashilantay in ay kala qaybiso hogaanka Jubbaland

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Ciidamada waa awood kuu xajin karta kursigaaga illaa iyo inta aad ugu talogasho, waa aragti ay isku raaceen qaar kamid ah culimadda siyaasadda.

Tusaalayaasha ugu wanaagsan ee loosoo qaato waxaa ugu dambeeya, madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro, kaasi oo ka badbaaday isku day milatari oo lagu afgambin lahaa.

Xeeladaasi waxaa hadda muuqata in uu adeegsanayo Axmed Maxamed Islaam, hogaamiyaha Jubbaland ee doorashadu kusoo food-leedahay.

Axmed Madoobe ayaa gudaha Kismaayo iyo degaanada kale ee maamulkaasi waxa uu ka bilaabay olale xoogan oo uu kaga hortagayo "kacdoon ciidan".

Kacdoonkaasi waxaa abaabuleysa dowlada federaalka oo utafaxeedaneysa sidii ay daaqada uga saari lahayd madaxweynaha talada haya tan iyo sanadkii 2013-kii.

Madaxweyne ku xigeenka 1aad Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maalmihii dambe socdaalo ku tegay magaalooyin ku yaala gobolada Gedo oo ay Ceelwaaq ee ku taala sohdinta Soomaaliya iyo Kenya.

Image may contain: 3 people, people smiling, people sitting, tree and outdoor

Sidda ay sheegeen illo wareedyo, Maxamuud ayaa ku booriyay ciidamada in aysan ku dhex-milmin siyaasada, oo aan loo adeegsan "burburinta Jubbaland" iyo dagaalo qaraar oo ka dhaca gudaha degaanada maamulkaasi.

Warar xog ogaal ah ayaa intaasi raacinaya in madaxweyne ku xigeenka oo ah gacanta midig Axmed Madoobe uu la kulmay saraakiisha ciidanka Kenya ee AMISOM.

Taliska ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka midowga Afrika ayuu kala xaajooday dagaalka Al-Shabaab iyo amniga inta lagu guda jiro doorashada.

Shaki la’aan, Axmed Madoobe cadaadis wayn ayuu kala kulmayaan dowladda federaalka, balse wuxuu ka digay dhiilo colaadeed oo ay xukuumadu isku dabarideyso.

Todobaadkii hore waxaa garoonka Kismaayo ka dhaca iska hor-imaad dhex-maray ilaalada murashax iyo Booliska, waxaana dhacdadaasi uu Axmed Madooba ku eedeeyay xukuumada.

Madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa aad ugu kala aragti duwan doorashada Jubbaland, taasi oo mad-madow soo kala dhex-gelisay xiriirkooda.

Uhuru Kenyatta ayaa doonaya in Axmed Madoobe uu baaqi kusii ahaado xafiiska isaga oo eegaya danaha qarankiisa oo ah in aan la ogaan tacadiyada ay ciidamada wadankaasi ka geystaan degaanada Jubbooyinka.

Mas'uuliyiin ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in madaxda dowladda dhexe ay ku fashilmeen in ay kala qaybiyaan hogaanka ugu sareeya Jubbaland oo xusul-duub ugu jira difaacashada booskooda.

Xukuumada Farmaajo ayaa farogelin toos ah ku sameysay doorashadii Koonfur Galbeed taasi oo ay u fududeysay dol-daloola ka jiray dhanka ciidamada iyo maamulka oo kala qaybsamay.

Sidda ay sheegeen xeel-dheerayaasha, Axmed Madoobe iyo labadiisa ku xigeen oo kaashanaya madaxda kale ayaa haatan u muuqda mid ka baaran dagaya arrimahaasi, wallow isbedel uu dhici karo.

Sikastaba ha ahaatee, doorashaa Jubbaland oo murashaxiin dhowr ah ay ku tartamayaan uuna mid kamida ku sugan yahay magaaladda Kismaayo ayaa dhinac u ridi karta masiirka xukuumada federaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM