Villa Soomaaliya oo shaacisay ujeedka socdaalka guddiga Thabo Mbeki

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki.

Ujeedka safarka wafdigan ayaa ku saleysan qiimeynta xaaladda amni iyo dhaqaale ee dalka, iyaga oo ku guda jira diyaarinta cilmi baaris ku saabsan iskaashiga Amniga iyo isdhax galka dhaqaale ee Dalalka kulaala Badda Cas iyo gacanka Cadmeed.

Madaxweyne Thabo Mbeki iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka wanaagsan ee loo fidiyey, iyagoona bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiineed ee laga wado dalka, kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dhanka siyaasadda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay wafdigan dadaalladda ay ka qeyb qadanayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta amniga, kobcinta iskaashiga dhaqaale iyo xal u helista caqabadaha siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika.

Booqashada wafdigan ayaa qaadaneysa muddo labo maalmood ah, waxa ayna kulammo la qaadan doonaan masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo xeeldheerayaasha Soomaaliyeed ee arrimaha amniga iyo siyaasadda.

Kulankan waxaa goob joog ahaa Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Wasiirro katirsan Xukuumadda, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan iyo Lataliyeyaasha Madaxweynaha.

MUUQAALKA KULANKA

Villa Soomaaliya

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM