Waa sidee Xaaladda Kismaayo kadib dagaal ka dhacay [Dhageyso]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Waxaa maanta oo Axad ah degan xaaladda magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubba hoose, kadib dagaal khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac sababay oo shalay ka dhacay.

Iska hor-imaad shalay gelinkii dambe uu ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan maamulka Jubbaland, oo la sheegay inay qaab beeleed u abaabulnaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu qarxay kadib markii ciidamo gadoodsan oo dhaliilsan qaabka uu wax u wado maamulka Axmed Madoobe ay kasoo baxeen xeryahooda militeri kadiba ay soo galeen magaalada, iyagoo iska caabin kala kulmay ciidamo kale.

Nabadoon caan ah oo lagu magacaabi jiray Xuseen Goolow ayaa kamid ah dhowr qof oo ku dhintay iska hor imaadka ciidamada Jubbaland, iyadoo sidoo kale jira dhaawacyo badan.

Saciid Cabdi Buddul, (Saciid Joogsade) oo ah afhayeenka laamaha amniga Jubbaland, oo wareysi siiyay VOA-da ayaa beeniyay in ciidamo gadoodsan ay weerar kusoo qaadeen Kismaayo.

Wuxuu xaqiijiyay Afhayeenka in ciidamada ay gacanta ay kusoo dhigeen 11 Askari oo kamid ah Askarta gadoodka sameeyay, isagoo intaasi ku daray in maxkamad lasoo taagi doono.

Dhanka kale, Mas'uul sare oo katirsan Jubbaland, oo magaciisa ka gaabsadey magaciisa ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay ka dambeyso dhacdadan shalay ka dhacday Ksimaayo, iyo dhaq-dhaqaaqyo kale oo looga soo horjeedo Axmed Madoobe.

Kismaayo oo Al-Shabaab laga saarey 2012 ayaa deganayd bilooyinkii dambe, waxaana gacanta ku haya ciidanka Jubbaland iyo kuwa Kenya, ee qeybta ka ah AMISOM, inkastoo falal lidi ku ah amniga marar badan ka dhaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM