Waajibaadka guddiga Rooble magacaabay oo la sharaxay

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya -  Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah waxay soo bandhigtey waajibaadka guddiga farsamada ee uu xalay magacaabay ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Khuburadan dhanka doorashooyinka oo ka kooban lix xubnood ayaa isla maanta waxay ku kulmeen xafiiska wasiirka koowaad iyaga oo kawada xaajoodey qaabkii ay u fulin lahaayeen shaqadda laga doonayo.

Afhayeenka xukuumada xilgaarsiinta, Maxamed Ibraahim Macalimuu, ayaa daaha ka rogay in guddigan laga doonayo in ay diiradda ka saaraan kana caawyaan ra'iisul wasaaraha qodobo gaaraya illaa afar qodobo.

Qodobada ayaa kala ah;

1. In qodobadii heshiiska lagu gaaray shirkii Golaha wadatashiga Qaranka  27 ka May 2021 loo fuliyo  si habsami ah.

2.Xiriirinta dhamaan hayadaha ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka si  loo  hagaajiyo habsami u xiriirka hayadaha wada shaqeynaayo

3. In taageero farsamo uu siiyo guddiyada doorashooyinka.

4.Xiriirinta XR, Golaha wadatashiga qaranka iyo bessha caalamka

"Doorashooyinka Soomaaliya waxa maamulaya hirgalintooda guddiyada madaxa bannaan ee heer Federal FIET iyo Heer dowlad Goboleed  SIET iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka," ayuu Macalimuu ku daray.

Macalimuu ayaa kusoo xiray: "Kooxdan Ra'isul Wasaaruhu magacaabay waxa ay shaqadoodu ku kooban tahay in ay farsamo ahaan gacansiiyaan guddiyadaas kor ku xusan si howlaha doorashada ugu qabtaan si daahfuran oo madax bannaan".

Xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa looga fadhiyaa fulinta heshiiska ay 27-kii May Muqdisho ku saxiixeen madaxda Soomaalida kaasoo xeerinaya in waddanka uga dhaceyso mudo ku siman labadda bilood ee nagu soo fool leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM