Qoysaska wiilasha uu askareeyay Farmaajo oo banaanbaxay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waalidiinta wiilashooda uu taliska Farmaajo "sida qarsoodiga ah tababarka ugu qaadey Eritrea" ayaa Axada maanta ah isu-soo-baxay fagaaraha Daljirka Daahsoon ee Muqdisho.

Mudaaharadayaasha oo ay ku jiraan hooyooyinka waalidiintaas ayaa waxay dalbanayaan in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaado uu hor-yimaado ugana jawaabo su'aaha ay tirsanayaan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo hooyooyinkan ay ku banaanbaxaan caasimada Muqdisho, iyaddoo dowladda federaala ah aysan wali si rasmi ah oo daahfuran u qaabilin waalidiinta wilashooda ka maqan yihiin.

Inkasta oo ay xaqiijisay in ay askar tababar ugu dirtay Eritrea, xukuumadda Soomaaliya ayaanan marnaba ka jawaabin sheegashooyinka waalidiinta ee ah in caruurtooda laga dagaal geliyey waqoyga Itoobiya.

Wararkaas ayaa soo shaac-baxay markii ciidamada Itoobiya ay ku duuleen gobolka Tigray. Howlgalaas waxaa ku wehliyey askar u dhalatay Eritrea kuwaasoo lagu eedeeyay "xadgudubyo bini'aadanimo".

Cabdisalaam Guuleed, taliye ku xigeenkii hore ee hay'adda sirdoonka Soomaaliya, ayaa qiyaasay in laba kun askar Soomaali ah laga dagaal geliyey Tigray isla markaana ku dhowaad kun ay ku naf-waayeen.

Wallow Addis Ababa ay beenisay warbixinadaas, waalidiinta qaarkood ayaa tibaaxay in wiilashooda ay lasoo xiriireen una sheegeen in ay joogaan waqoyga Itoobiya isla markaana qaar saaxiibood ahaa dhinteen.

Taliska Farmaajo oo ku fashilmay in uu Soomaaliya ka qabto doorahso xilligeeda ugu dhacda qaab daahfuran heshiisna lagu yahay ayaa gacansaar dhow la leh hogaamiyeyaasha ka taliya Itoobiya iyo Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Gacanta ku Dhigay Warshaddii Qaraxyada ISIS

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay ka saaraan argagixisada deegaanadan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 11:38AM