Waare oo Go'aan Culus ka qaatay Madaxda Maamul Goboleedyada [Akhriso]

Image

JOWHAR, Soomalaiya - Madaxweynaha maamulka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa kahor yimid go'aannada madaxda kale ee dowlad goboleedyada dalka, xilli uu dhawaan heshiis la galay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Waare ayaa lagu sheegay in go'aan qaadashada Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, uu yahay mid ku dhisan wada-ogol, islamarkaana aan wax go'aan ah la gaari karin ama shir la qaban karin iyadoo HirShabelle ka maqan tahay.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa caddeeyay in maamulkiisa uusan aqoosaneyn afhayeenka gollaha iskaashiga magacaabeen, iyo shirarka madaxda Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland kula yeesheen Nairobi diblomaasiyiinta beesha caalamka.

War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Waare ayaa sidoo kale lagu xusay in Gollaha Iskaashiga maamul goboleedyada aan markii hore loo aas-aasay inuu noqdo Isbahaysi mucaarad ah iyo inuu fuliyo danaha hal ama dhowr maamul goboleed.

Hadalka Waare ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan Villa Soomaliya la galay heshiis khilaafka maamulkiisa iyo dowladda Federaalka lagu soo afjaray, kadib markii loo sameeyay balan-qaadyo ku khasbay inuu ka goosto Gollaha Iskaashiga maamul goboleedyada.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM