Waare oo hal sabab ku kaliftay inuu isku shaandheeyo Wasiiradda HirShabeelle

Image

JOWHAR, Somalia - Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Gollahiisa Wasiiradda, si uu xal ugu helo khilaafka siyaasadeed ee hareeyay maamulkiisa.

Digreeto kasoo baxday maalintii shalay [January22, 2019] Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay isku Shaandheynta, oo ahayd mid mudooyinkii dambe la hadal hayay.

Xubna Isku-shaandheynta lagu sameeyay oo ka kooban 12 Wasiir 14 wasiir kuxigeeno iyo 9 Wasiiru Dowlayaal ayaa waxay dhammaantood yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka HirShabeelle.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in sababta uu tallaabadan u qaadey Waare ay tahay inuu ku xaliyo mooshin kalsooni kala noqosho ahaa oo ay ka keeneen Xildhibaanada iyo mowjado siyaasadeed oo uga furnaa dhinaca beelaha qaar.

Waare ayaa isaga baxay Gollaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda sanadkii tagey, kadib markii uu heshiis la galay Villa Somalia, isagoo xilligaasi la kulmayay culeysyo siyaasadeed iyo cadaadis. 

HALKAN KA AKHRI ISKU-SHAANDHEYNTA:

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM