Saraakiisha imtixaanka DF oo lagu amray in ay ka baxaan HirShabelle

Image

JOWHAR, HirShabelle – Madaxweynaha HirShabelle ayaa maanta oo Talaado ah waxa uu dib ugu laabtay magaaladda Jowhar ee caasimada maamulkaasi, halkaasi oo uu ka socday dibadbax xoogan.

Mudaaharaadka ayaa looga soo horjeeday hakinta Imtixaanka Shahaadiga ee dowlada federaalka ah, kaasi oo wasaarada waxbarashada ku sababeysay markii la xaday oo suuq madow lagu iibiyey.

Cabdullaahi Goodax Barre, wasiirka Tacliinta federaalka, ayaa shaaciyey in Imtixaan cusub la qaadi doono 27-da bishaan Maay, lana xanibi doono Internet-ka mudada uu socdo.

Maxamed Cabdi Waare oo Garowe uga qaybgalay Shirkii fashilmay ee maamulada iyo dowlada federaalka oo la hadlay banaan-baxayaasha ayaa si cad uga soo horjeestay in joojiyey Imtixaanka.

Mr Waare ayaa ku tilmaamay go’aanka waaarada waxbarashadda "naxariis daro iyo mid aan laga talogelin" wuxuuna dowladda ku tartarsiiyey in ay baaris ku sameysay siday ku dhacday arrintaan.

"Imtixaanka aniga xitaa waxaan ku arka baraha bulshada, waxaana moodayey dacaayad, laakiin illaa iyo saddexda maalmood uu ka socday, maxaa loo joojin waayey, in hadda la baajiyo waa naxariis daro, mana ahan go’aan nagala tashaday, wixii hadda ka dambeeya HirShabelle iyadda ayaa mas'uul ka ah waxbarashadeeda," ayuu Waare u sheegay banaan-baxayaasha.

Hogaamiyaha maamulka HirShabelle ayaa faray dhamaan kormeerayaasha Imtixaanka dowladda ee ku sugan magaaladda Jowhar in ay si degdeg ah uga baxaan magaala madaxda gobolka Shabeellaha Dhexe.

"Waxaan u sheegaynaa kormeerayaasha lasoo dirtay ee Jowhar ku sugnaa in ay naga baxaan. Dhibaato iyo amni darro ayaad noo kooneysaa, waad fashilanteen, shaqadiina waad gabteen, wasaaraduna way fashilantay, HirShabelle iyaddaa mas'uul ka noqoneysa Waxbarashadeeda," ayuu hadalkiisu raaciyey.

Go’aanka adag ee uu qaatay Waare ayaa imaanaya xili magaalooyin ay kamid yihiin Muqdisho, Jowhar, Kismaayo iyo meelo kale oo gobolada Galmudug ah ay ka dhaceen banaanbax ka dhan ah joojinta Imtixaanka.

Ciidamada amaanka ee ku sugan magaala madaxda dalka ayaa la sheegayaa in ay Rasaas nool-nool u adeegsadeen Ardayda banaanbaxday, taasi oo dhalisay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM