Waare oo Mooshin laga gudbiyay xilli heshiis uu la galay Villa Somalia

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka HirShabeelle, ayaa mooshin ka gudbiyay Madaxweynaha Maamulkan Maxamed Cabdi Waare, xili uu dhawaan heshiis la galay Villa Somalia, kana baxay Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Warqadda Mooshinka kalsoonid kala noqashaya oo ay saxiixeen sida la sheegay 54 Xildhibaan, islamarkaana soo baxday 15-kii bishii 8aad ayaa loo gudbiyay gudoomiyaha Baarlamaanka HirShabeelle, iyadoo la filayo in cod loo qaado kulamada soo socda.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Waare inuu ku fashilmay howshii loo doortay, oo ay kamid yihiin amniga, maamulka iyo maaliyadda, waxaana mudaniyaasha qaarkood ugu baaqeen inuu is-casilo, kahor inta aan mooshinka loo codeynin.

Waare oo xilka Madaxweynaha HirShabeelle haya mudo 11 bilood ah ayaa wajahaya caqabado badan, oo ku hor-gudban maamulkiisa aan awoodda badan lahayn, waxaana xaaladda hadda taagan laga cabsi qabaa inuu ku waayo kursiga.

HirShabeella oo la aas-aasay dhamaadkii sanadkii 2016 ayaa waxaa la degay khilaaf siyaasadeed iyo wax qabad la'aan oo lagu eedeeyo hogaamiyayaasheeda, oo inta badan aan ku shaqeynin magaalada xarunta uu ah ee Jowhar, oo dibad joog ah.

Maxamed Cabdi Waare ayaa bedelay mowqifkiisa, kana baxay go'aankii madaxda gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada ku gaareen 8-dii bishii lasoo dhaafay magaalada Kismaayo kaasoo xiriirka ugu jareen dowladda Federaalka, oo isagu la heshiiyay.

WARQADDA MOOSHINKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM