Waare oo Mooshin laga gudbiyay xilli heshiis uu la galay Villa Somalia

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka HirShabeelle, ayaa mooshin ka gudbiyay Madaxweynaha Maamulkan Maxamed Cabdi Waare, xili uu dhawaan heshiis la galay Villa Somalia, kana baxay Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Warqadda Mooshinka kalsoonid kala noqashaya oo ay saxiixeen sida la sheegay 54 Xildhibaan, islamarkaana soo baxday 15-kii bishii 8aad ayaa loo gudbiyay gudoomiyaha Baarlamaanka HirShabeelle, iyadoo la filayo in cod loo qaado kulamada soo socda.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Waare inuu ku fashilmay howshii loo doortay, oo ay kamid yihiin amniga, maamulka iyo maaliyadda, waxaana mudaniyaasha qaarkood ugu baaqeen inuu is-casilo, kahor inta aan mooshinka loo codeynin.

Waare oo xilka Madaxweynaha HirShabeelle haya mudo 11 bilood ah ayaa wajahaya caqabado badan, oo ku hor-gudban maamulkiisa aan awoodda badan lahayn, waxaana xaaladda hadda taagan laga cabsi qabaa inuu ku waayo kursiga.

HirShabeella oo la aas-aasay dhamaadkii sanadkii 2016 ayaa waxaa la degay khilaaf siyaasadeed iyo wax qabad la'aan oo lagu eedeeyo hogaamiyayaasheeda, oo inta badan aan ku shaqeynin magaalada xarunta uu ah ee Jowhar, oo dibad joog ah.

Maxamed Cabdi Waare ayaa bedelay mowqifkiisa, kana baxay go'aankii madaxda gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada ku gaareen 8-dii bishii lasoo dhaafay magaalada Kismaayo kaasoo xiriirka ugu jareen dowladda Federaalka, oo isagu la heshiiyay.

WARQADDA MOOSHINKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM

Immisa qof ayaa la xaqiijiyay inay saameysay xogta la jabsaday ee E-VISA?

Warbixin qarsoodi ah ayaa shaaca ka qaaday in nidaamka lacag-bixinta ee fiisaha lagu bixiyay Online-ka ka jira musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 08:00AM