Wada hadal dhexmaray dowlada Federaalka iyo Jubbaland

Image

30 Augusto, 2015 (GO)-Waxaa booqasho hal maalin ah ku tagay magalada Kismayo wafdi uu hogaminayo Ra'isal wasaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake waxayna kulamo kala duwan la yeesheen madaxda maamulkaasi.

Kulan dhexmaray Ra'isal wasare Sharmake iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa looga hadlay xal ka gaarista khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira DFS iyo maamulka Jubbaland ee ka dhashay barlamanka.

Madaxweynaha Jubbaland oo warbaahinta kula hadlay Kismayo ayaa sheegey in booqashadan ay ahayd mid kooban balse lahayd muhiimad badan, waxa uu xusay inay ka wada hadleen soo afjaridda mad-madowga jira iyo qancinta cidda sheeganaysa tabashooyinka ee dhanka barlamanka Jubbaland.

"Waxa laga wada halayay guud ahaan waxay ahayd xaaladda Somalia iyo tan gobalka, iyo arimo kale oo aan isla qaadanay kuwaasi oo aan u arkaynay in horey looga sii dhaqaajin karo xaaladda Somalia, waxaan isla qadanay inaan xallino cidka oo tabasho sheganaysa taasi oo aan u saarnay guddiyo labada dhinac ah kuwaasi oo ka wada hadlaya qaabka lagu xallin karo wixii jira"Ayuu Axmed Madoobe.

DFS ayuu madaxweynaha Jubbaland ka codsaday inay ka yareyaan buuq uu sheegay inuu uga imaanayaan dhanka Federaalka.

Ra'isal wasaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa dhankiisa sheegay inuu soo dhaweynayo arimaha ay ka wada hadleen maamulka Jubbaland,waxaana uu tilmaamey inay Kismayo imaan doonaan guddiyo ay magacowday DFS kuwasi ka qayb qaadan doono xallinta khilaafka ka dhex jira DFS iyo Jubbaland.

Hiigsiga 2016 mar uu ka hadlayay waxa uu sheegay inuu door weyn ka qaadan doonaan maamulada dhismay sida Puntland iyo Jubbaland wadatashiyada laga sameyn doono qaabkii dalka doorasho uga dhici lahayd.

Ra'isal wasaraha iyo wafdigiisa ayaa maanta dib ugu laabtey magalada Muqdisho ee xarunta Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM