Wadada loo marayo doorashada Kuraasta ka banaan BFS

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay xilli la qabanayo araajida Musharaxiinta saddex kursi oo ka banaan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka dalka.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Gudiga oo ku saxiixan gudoomiye Xaliima Yareey, ayaa lagu shaaciyay in 25-ka bishan August ay billaabaneyso qabashada warqadaha musharaxiinta, eyna ku egtahay 30-ka isla bishan, iyadoo uu socon doono mudo 5 maalmood.

Gudiga ma uusan shaacin xiliga la qabnayo doorashada kuraasta ay banneeyeen Xildhibaanada, Xuseen Cismaan Xuseen, oo noqday Taliyaha NISA, Khaliif Sheekh Cabdullaahi Dheere oo geeriyoodey iyo Cabdulqaadir Gaafow Maxamuud, oo is-casilay.

Xildhibaan kasta waxaa lagu soo dooran doonaan degaan doorashadiisa; Kuraasta Xuseen Cismaan iyo Cabdullaahi Dheere waxay ka dhici doontaa doorashadooda Baydhabo, halka midka Cabdulqaadir Gaafow lagu qabanayo Cadaado.

Odayaasha dhaqan Beelaha loo qoondeeyay kuraastan ayaa lagu wargeliyay inay mudo 7 maalmood ah kusoo gudbiyaan Liiska 51-da Ergo-doorasho, laga billaabo 19-ka bishan, kuna eg 25-ka Augusta, sida ku xusan qoraalka.

Doorashadii hore ee Xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad ayaa hareeyay musuq-maasuq, cod-gadasho iyo luuluush bixin, taasoo keentay in kuraas badan dib la laalay doorashadooda, maadaama wado hareer marsan dastuurka loo maray.

HOOS KA AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM