Wadahadalada doorashooyinka ee Muqdisho oo "burburay"
MUQDISHO, Soomaaliya - Shir-madaxeedka Muqdisho ee Arbacada maanta ah dib uga bilowday Teendhadada Afasiyooni ayaa lagu waramay in uu gabi ahaan burburay ama fashilmay.
Hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa la sheegay in mar kale isku afgaran waayeen heshiis buuxa oo ay ka gaaraan arrimaha ugu waaweyn ee xudunta u ah khilaafka coddeynta.
Qodobada la isku hayo waxaa kamid ah amniga doorashooyinka, doorka ciidamadda, dhamaadka muddo xileedka hay'adaha federaalka iyo xadgudubkii 19-kii Febraayo.
Warkan ayaa soo shaac-baxaya iyaddoo ay jireen sheegashooyin kale oo la xiriiray in hogaamiyeyaasha is-faham ka gaareen qodobka ah in la balaariyo wadaxaajoodyadda.
Warbixinadda haatan la helayo ayaa waxay intaas ku darayaan in kulankii madaxda Soomaalida ay maanta isugu yimaadeen uu kusoo dhamaadey natiijo la'aan.
Villa Soomaaliya ayaa madaxda Puntland iyo Jubaland waxay ku eedeysay fashilka uu ku dhow-yahay kulankan, iyaddoo xustay in Farmaajo sameeyay tanaasulaad badan.
Cabdirashiid Xaashi, agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa Twitter-ka ku daabacay in Puntland iyo Jubaland ay "sharaf darro u muujiyeen" shir-madaxeedka.
"Hoggaanka Jubaland iyo Puntland waxay sii wadeen in ay Soomaaliya u haystaan madax-furasho iyagoo iska indhatiray talooyinka guddiga farsamada ee Baydhabo ayna qaadaceen shir doorashooyin dhowr ah oo uu ku baaqay @M_Farmaajo taasoo dhalisay dhammaan dadaalladii lagu doonayay in lagu xalliyo xaaladda cakiran aan wax horumar ah laga sameyn," ayuu yiri Xaashi oo luuqadda English-ka ku daabacay qoraalo kala duwan.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta, Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa rumeysan in Puntland iyo Jubaland "aysan rabin dalka ka dhacdo doroasho aas-aaskeedu yahay heshiiska 17-kii September iyo 16-kii Febraayo".
"Waa wax laga xumaado in labadaas madaxwayne [Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam] ay noqdeen jid iyo jiha diid aan doorasho ogoleyn," ayuu hadalkiisa ku daray.
Dhanka kale, mas'uuliyiinta Jubaland iyo Puntland ayaan wali si furan uga hadlin sababta dhabta ah ee dhalisay in natiijo la'aan uu kusoo dhamaado markii afaraad shirkan isha lagu hayey.
GAROWE ONLINE