Wadahadalada doorashooyinka oo maalintii labaad galay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka lagu xalinayo khilaafka daba-dheeraadey doorashooyinka Soomaaliya oo ka qabsoomaya Hangarka Ciidamadda Cirka ee Afasiyooni ayaa galay maalintii labaad.

Qadiyada Somaliland oo kamid ah arrimaha la isku hayo waa "dooda ugu badan ay ka jirto" iyaddo mid kamid ah dhinacyada "uusan farxad ka muujin soojeedintii Baydhabo".

"Ra'iisul Wasaaraha wuxuu maalintii labaad hogaamiyey shir-madaxeedka madaxweynayaasha dowladda federaalka, maamuladda iyo gudoomiyaha G/banaadir. Kulanka wuxuu u xirnaa albaabadda. Arrinta Somaliland ayaa ah tan ugu badan ee la isku haysto maaddaama labada dhinac midkoodna uusan raalli ka ahayn natiijada ka soo baxday talooyinkii ka soo baxay Baydhabo," ayay Garowe Online u sheegeen illo wareedyo si dhow ula socda wadaxaajoodyadda.

Madaxda Puntland iyo Jubaland waxay xalay qaabileen siyaasiyiinta gobolada waqooyi kalana hadlay qaabka xalka ku imaan karo xulista wakiiladda maamulka Somaliland.

"Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa xalay la kulmay dhinac ka mid ah waftiga Somaliland oo uu hogaaminayo ku xigeenka ra'iisul wasaaraha Mahdi Gulaid iyagoo doonaya inay xaliyaan muranka. Afhayeenka Guurtida Cabdi Xaashi waa xubinta ugu sareysa sharci dejinta ee kasoo jeeda Somaliland kuna sugan Muqdisho," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Hogaamiyaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor], ayaa waxaa la sheegay inuu la saftay ra'iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar].

"Maaddaama qaddiyadda Somaliland ay tahay midda ugu sareysa ajandaha kulanka, Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor waxaa lagu eedeeyay inuu la saftay Mahdi Guuleed oo kamid ah xulufada Farmaajo oo doonaya in ra'iisul wasaare ku xigeenku yeesho awood uu go’aan kaga gaaro doorashada gobolada waqooyi Xildhibaanada," ayay ku dareen.

Wadahadaladda ayaa waxaa la filayaa in ay sii socdaan maalmaha soo aadan isla markaana dhamaadka laga soo saaro war-murtiyeed ay ku cad yihiin qodobadda ay hogaamiyeyaasha isku afgarteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Gacanta ku Dhigay Warshaddii Qaraxyada ISIS

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay ka saaraan argagixisada deegaanadan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 11:38AM