Wadahadalka doorashada oo dib u billowday xilli waqtiga dhamaanayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaasha Soomaaliya ayaa markale isagu tagey Villa Soomaaliya, si ay idleeyaan heshiiskii doorashadda ay 17-kii bishan ku saxiixdeen Muqdisho, kaasoo soo afjaray khilaaf mudo dheer jiray.

Shirka oo shalay billowday ayaa waxaa shir gudoominaya Madaxweyne Farmaajo, waxaana ka qeybgalaya dhamaan madaxda dawlad goboleedyada iyo duqa magaaladda Muqdisho, oo kamid ah saxiixiyaasha heshiiska doorashadda.

Arrimaha muhiim u ah doorashadda, sida jadwalka, dhismaha gudiga isku dhafka iyo kan xalinta khilaafaadka, ayaa lagu gorfeynayaa kulanka, oo saxaafadda dibad-joog ka tahay, sida uu Warsidaha Garowe Online ogaadey.

Xukuumadda uu Ra'iisul Wasaare Rooble soo dhisayo ayaa la filayaa in marka uu kasoo dhamaado heshiiska doorashadda hogaamiyaasha DF iyo Maamullada inay la wareegto hirgilintiisa, waxaana suurta-gal ah in waqti loogu daro [Technical extension] maadaama inta u harsan mudo-xileedka ay aa u yartahay.

Sida ku xusan heshiiska la gaarey, qorsheynta doorashadda waxay billaabanaysaa wixii ka dambeeyay 1-da November 2020, xilligaaso oo ahayd inay billaabato doorashadda Xildhibaanada cusub, balse muuqata inuu jiri doono dib u dhac waqtigii loogu tala-galay inuu wadanka aado doorasho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu ku fashilmay balan-qaadkii uu doorashadda kusoo galay 2017, ee ahaa inuu Soomaaliya gaarsiin doono doorashooyinka dimuqraadi, oo qof iyo cod ah marka uu dhamaado mudo-xileedkiisa afarta sano.

Si kastaba, Ra'iisul Wasaare Rooble oo ah shaqsi ku cusub siyaasadda, sidoo kalena aan lahayn qibrad siyaasadeed, ayaa looga fadhiyaa inuu waqti kooban ku qabto doorasho, aan wixii lagu gali lahaa, sida goobata codbixinta, amaanka iyo dhaqaalaha aan diyaarsanayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Ganacsatada Boosaaso Ku Wargeliyay in Aanay Dhaqaale Siin Daacish

Isagoo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa xusay in qaar ka mid ah ganacsatada Puntland ay dalka ka baxsadeen sababo la xiriira cabsida Daacish.

  • Soomaliya

    13-03-2025

  • 09:02AM

Maxaa kusoo kordhay weerarkii Hotel-ka Qaahira ee magaaladda Beledweyne?

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal, qaraxyada iyo rasaasta ayaa ka dhigtay deegaanka mid kacsan oo kala carar iyo jahwareer ka jiraan.

  • Soomaliya

    12-03-2025

  • 02:00PM