Wadahadalo ka bilowday Madaxtooyada Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Farmaajo iyo hogaamiyaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa xalay wadahadalo uga bilowdeen Madaxtooaydda, sidda ay wararku sheegayaan.
Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], hogaamiyaha Galmudug, ayaa lagu waramay in uu wadaxaajoodka ku biiri doono marka uu kasoo laabto caasimadda Puntland ee Garowe halkaas oo uu kaga qeybgalay shirkii Heritage.
Sidda ay warbixinadda xusayaan, wadahadalkan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka iyo tabashooyinka ka taagan.
Laftagareen oo aan kamid ahayn madaxdii xaadirtay Madasha Aragti Wadaaga Heritage ayaa Axadii shalay ahayd wuxuu kasoo laabtey Turkiga.
Wadahadalkan ayaa imaanaya xilli Qoor-qoor uu madaxda kala qeybgashay shirkii Heritage ee Garowe u balanqaadey in uu saddex maalmood gudahooda ku xalin doono qodobada la xiriira coddeynta ee khilaafka ka taagan yahay.
Qodobadaas ayaa kala ah; guddiyadda doorashooyinka, xulista wakiilada Somaliland iyo ciidamadda dowladda geysay gobolka Gedo ee Jubaland.
Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in Farmaajo ogolaadey in wadahadalo ka galo labada qodob ee ugu horeeyay [guddiyada iyo xulista wakiilada Somaliland] balse uu ku gacan-adeegaya qadiyadda gobolka Gedo.
Qadiyadda gobolka Gedo ayaa ah qodobka ugu culus waxaana maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe hogaamiyo ku adkeystay in aysan doorasho dhici karin illaa ciidamadda halkaas geysay dowladda lagu celiyo Muqdisho.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in maamulkiisu xaq u leeyahay in uu sida dowlad goboleedyadda kale uu isagu maamulo coddeynta degaan doorashooyinka, wuxuuna soo jeediyey in hal meel lagu wada doorto Xildhibaanadda hadii xukuumadda ay diido in ay ciidamadda ku celiso caasimadda dalka.
Villa Soomaaliya ayaa dooneysa in ay soo xulato 16-ka Xildhibaan ee degaan doorashadoodu tahay gobolka Gedo si ay ugu coddeeyaan madaxweyne Farmaajo kaasoo doonaya in uu kusoo laabto xilka doorashada Febraayo, 2021-ka.
Wada-xaajoodyadda ka bilowday Villa Soomaaliya oo natiijada kasoo bixi karta aan la saadaalin karin ayaa imaanaya xilli wafdiga dowlada federaalka ku metalay shirkii Garowe ay diideen in bayaanka lagu wado qodob ku baaqaya in wadahadalo isugu yimaadaan dowladda iyo maamulada si ay uga wada heshiiyaan qodobada uu muranka ka taagan yahay.
Madaxweyne Farmaajo ayaan dooneyn in wadahadal dambe yeeshaan dowladda iyo maamulada wuxuuna horey ugu khasbay madaxda maamulada in ay Zoom kaga soo muuqdaan shirkii Somali Partnership Forum ee Muqdisho.
GAROWE ONLINE