Wadahaladii Farmaajo iyo Rooble oo mar kale "burburay"

Image
Galmudug oo hormuud u ahayd wadaxaajoodyadda ayaa sheegtay in "fashilka" ay mas'uul ka tahay Madaxtooyadda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Galmudug ayaa Villa Soomaaliya ku eedeysay fashil ku yimid wadahadaladii Farmaajo iyo Rooble ee xalka loogu raadinayay xiisada ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada maamulkaas, Cumar Shido, wuxuu sheegay in taliska waqtigu ka dhacay uu wadaxaajoodyada hor-dhigey "caqabado aad u waaweyn". Ma bixin tafaasiil dheeeraad ah.

Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, ayaa Farmaajo ku sifeeyay "musharax quus ku sii dhow oo raba talada dalka inuu rahmad isaga haysto".

"RW Rooble waxa la gudboon in waqtigiisa uu siiyo doorashada , Lana bilaabo doorashada golaha shacabka, sanduuquna uu noqdo garsooraha musharixiinta," ayuu ku qoray Facebook-giisa.

Hadalkan wuxuu imaanayaa xilli uu maamulada ay Arbacadii isku garteen in si degdeg ah loo bilaabo xulista xubnaha Aqalka Hoose ee baarlamaanka 11aad.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in qodobada la isku mari la'yahay ay kala yihiin cidda noqonaysa agaasimaha hay'adda sirdoonka qaranka iyo wasiirka amniga gudaha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maamulka Farmaajo ku dhaleeceeyay in aysan tanaasul u muujin xaalada dalkan ku jiro ayaa ku tartarsiiyey Rooble in uusan u nuglaan cadaadiska lagu hayo

"Haddii qof Farmaajo soo magacaabo NISA loo daayo Kiiskii Ikraan wuu aasmay, sababtoo ah baaritaan ma jiro. Haddii Rooble Wasiirkii iyo taliyihii uu soo magacabay ay meesha ka baxaan, awoodii amniga iyo doorashada waa wareegtay. Lama kala tabar badna ee waa la kala adkaysi badan yahay. Hala ogaado mabda’ ayaan taageersanahay ee muufaysi maya," ayuu ku qoray ciwaankiisa Facebook-ga.

Waa markii labaad oo natiijo la'aan uu kusoo dhamaado wadaxaajoodyada Farmaajo iyo Rooble. Kalkan waxaa si weyn looga cabsi qabaa in ay faragelin toos ah ku sameyso beesha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykanka oo kordhinaya joogitaankooda Soomaaliya 

Pete Hegseth, oo ah Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka, ayaa ka hadlay suuragalnimada in ciidamada Mareykanka ay sii joogaan Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2025

  • 12:19PM

Hogaamiye Daacish oo Soomaaliya ka qorsheynayay weerarada Mareykanka iyo Yurub oo la dilay

Mareykanka ayaa si dhow ula shaqeynaya ciidamada Puntland si loo qabsado xubnaha ISIS ee ku sugan gobolka Bari.

  • Soomaliya

    12-02-2025

  • 08:13AM