Wadanka Uganda oo ciidamadiisa kala baxaya dalka Somaliya

Image

Wadanka Uganda ayaa ciidamadiisa kala bixi doona howl galka Nabad sugida midowga Afrika ka wado dalka Somaliya, sidaas waxaa sheegey madaxa ciidamada ee dalkaas.

Gen. Katumba Wamala ayaa sheegey in ciidamada Uganda ka baxayaan dalka Somaliya 2017 iyadoo sababta tahay kadib markii dhibaato kala kulmeen iney la shaqeeyaan ciidamada Somaliya iyo la taliye- yaasha wadamada Marakenka, Ingriiska iyo Turkiga.

Wadanka Ugnada ayaa ciidamada ugu tirada badan ee howlgalka AMISOM ka joogaan dalka Somaliya.

AMISOM ayaa caawintey in magaalooyinka waaweyn ee Koonfurta Somaliya iyo qaybo ka tirsan gobolada Dhexe ka kexeeyaan xoogaga Al Shabaab inkastoo kooxdaan weli weeraro khatar ah ku qaado ciidamadaan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM