Waddooyinka Magaalada Muqdishu oo loo xirayo Caleemo-saarka Madaxweynaha

Image

MUQDISHU, Somalia- Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in waddooyinka Muqdishu loo xirayo caleema-saarka Madaxweyne Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo, oo lagu wado inay dhacdo Maalinta Berri ah.

Ismaaciil Cabdi Guure, oo ah ku-xigeenka Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa shaaciyay go'aanka lagu xirayo waddooyinka caasumadda, isagoo xusay in amarkaasi uu dhaqan-galayo maanta oo Talaado ah.

Wasaaradda duulista hawada xukuumadii uu waqtigeedu dhammaaday ayaa sheegay Todobaadkii tagey in la hakin doono maalinta Arbacada ah, dhammaan duulimaadka Garoonka Diyaaradaha Muqdishu.

Xafladda Caleema-saarka Mr Farmaajo ayaa la filayaa in ay kasoo qaybgalaan Madax sare, oo ka socoto caalamka iyoo Geeska Africa, kuwaasi oo ay kamid yihiin Madaxweynayaasha Kenya iyo Jabuuti.

Si kastaba, dadka shacabka ah ayaa aad uga walaacsan  xirnaanshaha waddooyinka, oo saamayn ku yeelan doonto Waxbarashada, Ganacsiga iyo isku-socodkooda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in lagu caleema-saaro Hoolkii lagu doortay ee xarunta Ciidanka Cirka ee Afisyooni February 8-dii, waxaana la filayaa inay munaasabada billaabato 11:00 am xilliga geeska Africa maalinta Arbacada ee 22 bishan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Baydhabo kulamo kawada xilli loolan loogu jiro Kursiga Madaxweynaha KG

Dhankooda, odayaasha dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada dowladda.

  • Soomaliya

    05-04-2026

  • 02:30PM

Hay’adda Sirdoonka oo sheegtay in sagaal dagaalyahan oo Al-Shabaab ah la dilay

Howlgalkii labaad ayaa ka dhacay agagaarka Tugaareey, halkaas oo maleeshiyaadku ku dhuumaaleysanayeen kayn.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 03:07PM